Khilaafkii Dekeda iyo Wakiilada Maarakiibta oo lasoo Afjaray iyo Maareeyaha oo ka Hadlay Lacag laga qaadayo Marakiibta Qaarkood.

0
Sunday June 23, 2019 - 17:24:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 979
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafkii Dekeda iyo Wakiilada Maarakiibta oo lasoo Afjaray iyo Maareeyaha oo ka Hadlay Lacag laga qaadayo Marakiibta Qaarkood.

    "Lacagtaasi waxay ku dhacaysaa Qasnada Dawlada, waana Lacag uu ogyahay Wasiirka Maaliyadda, Hanti-dhowraha guud iyo Xisaabiyaha Guud, Ganacsiga iyo Madaxweynaha Somaliland" . Maareeyaha Dekeda Siciid Xasan Cabdilahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Lacagtaasi waxay ku dhacaysaa Qasnada Dawlada, waana Lacag uu ogyahay Wasiirka Maaliyadda, Hanti-dhowraha guud iyo Xisaabiyaha Guud, Ganacsiga iyo Madaxweynaha Somaliland" . Maareeyaha Dekeda Siciid Xasan Cabdilahi
Berbera(Xogreebnews)-Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa soo afjaray khilaaf afar cisho soo kala dhex-galay Dekeda Berbera iyo Wakiilada Maraakibta Koontiinarada Xambaara, waxanu maareeyuhu cadeeyey in shaqadii dekeddu si toosa u soco, isla markaana aanay jirin haba-yaraatee wax shaqo ah oo baaqatay.
Maareeye siciid Xasan Cabdilahi, faahfaahiyey Lacag lagu soo roggay Maraakibta Hubka lasoo gala Biyaha Badda Somaliland, sidoo kalena waxa uu meesha ka saaray Warar aan sal iyo raad-toona lahayn oo labadii cisho ee lasoo dhaafay laga faafiyey Dekeda , waxanu sheegay in qasnada dawlada Somaliland ay ku dhacayso lacagtaasi, oo loo qaadayo Ciidamada Ilaaladda Xeebaha Somaliland oo diffaca Biyaha badda ee Dalka, isla markaana ay ogyihiin Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi, Wasiirka Maaliyadda, Hanti-dhowrka guud, Ganacsiga iyo sidoo kale Xisaabiyaha qaranka. Maareeyaha Dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu beeniyey in Accoun ku yaala dalka Jabuuti ay ku dhacayso Lacagta lagu soo rogay Maraakibta hubka sida. Maareeyaha oo faahfaahinaya arrimaha waxa uu yidhi.
 "Waxan u mahad-celinayaa dhamaan Shirkadaha Shipin line-ka ama Wakiilada Maraakiibta, oo mudooyinkii u dambeeyey aanu isku haynay, addeeg cusub qiimihiisa, waxanu ka gaadhnay heshiis dhab ah. Waan u mahad-naqayaa shirkadaha Maraakibta, wanaan soo dhoweynayaa. Somaliland waxay Guulaha ku gaadhay, markastoo is qabad-yimaado isu-tanaasul iyo wadahadal, waanay aqballeen Shirkaduhu inay bixiyaan Lacagtaas, waanan ku boggaadinaya wada-shaqaynta naga dhaxaysa,”
Sidoo kale waxa uu maareeyaha oo hadalkiisa siitaa intaa raaciyey, "Waxan doonaya inaan idiin sharaxo waxa uu yahay adeegga qiimihiisa la isku qabtay, waayo dadka qaarbaa waxay lahaayeen Markab kastaa iyo Doon-walbaa Lacagbaa laga qaadayaa, sidaas maha, ee waxa lacagtaa laga qaadaya Markabkii Hub lasoo gala Baddeena, oo ay Somaliland ka taliso, Ciidanka ilaalada ayaa fulaya, oo ka tirinaya, Hubka ay sitaan, maadaama oo ay Hubka ay sitaan, maadaama oo marka ay badeena ka baxaan ay iskaga dicaafan Budh-cad badeeda.
Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland waxa uu awood buuxda u leeyahay inuu diffaaco Biyaha Badda ee Somaliland, markabkana Ciidamadeena fuula, Lacagtaas waxa laga qaadaya Markabkii Hub-sida oo keliya, ma qabanayso Markab kale ama Doon kale, runtii si-xun wax u sheeg Saaxir waa ka daran-yahay, maalmahan waanku arkaayey baraha bulshada Maraakiibtiiba Berber aka caraartay, Taas waxba kama jiraan oo sal iyo raad-toona ma laha,  wixii jiray ee khilaaf soo baxaynaa waxanu shirkadaha Marakiibta ka gaadhnay heshiis buuxa.


Hadii aynaan badeena ilaalin oo aynaan Ciidankeena ilaalin waxbaa inoo hagaagi maayaan, Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland aadbaan ugu mahad-naqayaa, waa Ciidanka 850-Km oo bad ah ilaaliya oo aanay waxba ka dhicin Ilahaybaynu ugu mahad-naqaynaa. Dhowaan Madaxweynaha Somaliland waxa uu usoo iibiyey 6 Doon-yood oo kuwa Dagaalka ah, Ciidanka in la kobciyaana waa Muhiim adeeggan iyo lacagtan waa kab yar oo ciidamada ilaalada ah… "Sidoo kale, waxan u mahad-naqayaa Gudoomiyaha Gobolka oo isagguna dhex-dhexaadin wayn ka kalay khilaafkan yar ee nasoo kala dhex-galay annagga iyo shirkadaha Maraakibta, aadbuu iskugu kayo soo jiiday waanu mahadsan yahay”.
Maareeyaha Dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu beeniyey in Accoun ku yaala dalka Jabuuti ay ku dhacayso Lacagta lagu soo rogay Maraakibta hubka sida, waxanu yidhi, "Ugu dambayntii waxan halkan ka cadeeynaya oo aan doonayaa inaan tashuushka ka saaro, maadaama oo baraha bulshada lagu faafiyey cid gaar ahbaa Lacagtaa qaadanaysaa, Accouno dadbay ku dhacaysaa, Lacagtaasi waxay ku dhacaysaa acounka dawlada ee dekeda, iyadda qaadaysaa, waana Lacag uu ogyahay Wasiirka Maaliyadda, Hanti-dhowraha guud iyo Xisaabiyaha Guud, ganacsiga iyo Madaxweynaha Somaliland, waxanan cadeynayaa siffo sharciyeedba kumanan xayirneen Markabkii dhowaan, hadii aanay sharciga waafaqsanan Lacagtaasina waxay ku dhacaysaa qasnada dawladeena kumana dhacayso Acoun jabuuti waxasi waa Been aan sal iyo raad-toona lahayn, beentuna lug gaaban-bay leedahay meelna waxba kama tarto”. Ayuu yidhi Maareeyaha Dekeda Somaliland Siciid Xasan Cabdilahi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured