SUUGAANTA IYO SIYAASIYIINTII HORE BY: Jamaal Cali Xuseen

0
Tuesday July 02, 2019 - 23:11:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SUUGAANTA IYO SIYAASIYIINTII HORE BY: Jamaal Cali Xuseen

    Dunidaba macaankeedu waa, maalmo kuu qorane Magac baa ka hadha maalintay, maro ku saaraane Middaan doonayaa waa dadkoo, hela muraadkiise Miyi iyo magaaloo daryeel, laga maseeyaaye Magaalooyinkeenoo dhismaan, maanka ku hayaaye Mugdiga jahligu kee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dunidaba macaankeedu waa, maalmo kuu qorane Magac baa ka hadha maalintay, maro ku saaraane Middaan doonayaa waa dadkoo, hela muraadkiise Miyi iyo magaaloo daryeel, laga maseeyaaye Magaalooyinkeenoo dhismaan, maanka ku hayaaye Mugdiga jahligu keenaybaan, meydha leeyahaye Cuduradda na miidhan rabnaa, inaan maqiiqnaaye Dhirteena magooshan rabaa, inaan midheeynaaye Eebboow muraadkaygaa qumi, waa midhaan idhi e Adigaan mildhoow iyo lahayn, maaga aadmiga e Eebbow adaa magab gudee, marinka hay seejin
Bal aan in yaroo dhiirigelin iga ah aan idin tuso saddex nin oo waaweyn iyo suugaan ay lahaayeen. Waxay kala ahaayeen Xasan Kayd Cabdulle Walanwal, iyo Axmed Maxamed Qaybe, iyo Cumar Carte Qaalib. Bal saddexdaasi nin aan mid walba suugaan uu lahaa in yar ka soo qaato:

Geeraarka Xasan Kayd: Geeraar uu tiriyey Xasan Kayd Cabdille Walanwal, Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyee isagoo aan aqoonahan, milateri, iyo siyaasi uun ahayne waxa kale oo uu ahaa suugaanyahay. Geeraar beri uu tiriyey baa waxaa la odhan jiray "Dalkiisa qawade”, waxaana lagu dhigan jiray suugaanta dugsigga sare. Isagoo la hadlaaya dadka inta badan qurbaha taga xilligaasi dadka ay lahaayeen waddinyadda iyo qiimaha dhulka hooyo ayaa waxaa geeraarkiisa dheer ka mid ahaa;


Dheg bay doqoni leedahay,
Dhabta aan u sheegine,
Dhoylaawe waa kii,
Dhabaabaco is qaadee,
Dhulkiisoo xoroobiyo,
Dhaqankiisa diidane,
Dhabta manta joogtiyo,
Dhaayaha arkaynine,
Dhaqashiyo dadkeenii
Dhimishaba wadaagyoo,
Dhagax aan jebinniyo,
Dhoobadda qodaalkiyo,
"Dhakab” geela haystaa,
Dhafaruur kolay tahay,
Dhuuniga u quutaa,
Dhididkiisa waayoo,
Dhalashaanu gaadhne,
Ninkiise dhoofa maante,
Dhul shisheeye degayoow,
Dhaliil baa ku raacdoo,
Dhunkaal baad qaniintee,
             By Xasan Kayd Cabdille Walanwal

Gabaygii Qaybe: Xilligii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ka ahaa Somaliland dabayaaqadii sagaashanaadkii Axmed Maxamed Aadan Qaybe Ilaahay haw naxariistee ayaa isagoo ka cabanaya qooloyin Baarlamaankiisa ka tirsan ayaa wuxuu Baarlamaanka dhexdiisa ka marinayaa tix gabay ah oo uu dhinacna ku garnaqsanayo, dhinacna isagoo sheeganaya waayo aragnimadiisa uu Baarlamaanka iyo diplomaasiyadda u lahaa isagoo weliba tusaale u soo qaatay rag waaweyn oo suugaanyahano ahaa oo tixda gabayga ku faanay sida Sayidkii iyo Aadan carab. Waxa la yidhaa marka qudha ee dhaqanka Soomaalidu uu ogolyahay faanka waa kolka gabay ahaan lagu marinaayo. Haddaba Qaybe Isagoo ku soo qaatay tababar dhinaca Baarlamaanka waddanka Ingiriiska, isagoo Ambassador ka soo noqday wadamadda waaweyn sida Ruushka, Maraykanka, Ingiriiska iyo xataa qaramadda midoobay. Isagoo intiisa sheegana wuxuu odhanayaa:

Mar hadaan Dastuur barashadiis, laygula doodeynin
Dugsi Baarlamaan inaan ka soo baxay, hadaan laygu diideyn
Daadafeeynta aan I qaban miyaan, layga deeyneeynin
Daljire sare maanaan ka noqon, dawladahaa xoogan
Daartii New York maanigaan, madaxa lay duubin
Wasiir dibadeedka Soomal maan, darajo laay siinin
Dublimasi caana inan ahay maan, dunida loo sheegin
Dadkaba inan mudankiis ahay maan, laba dareemeynin
Dandanisgani waa maxay Yuusufow, layla daba joogo.
            By Marxuum Axmed Maxamed Aadan Qaybe (IHUN)

Gabaygii Cumar: Cumar Carte Qaalib Ilaahay cimriga iyo caafimaadkaba hay siyaadiyee ayaa xilli ku beegan 1968 kii isagoo ka ah Ambassador wadanka Itoobiya ayaa wuxuu halkaasi ka soo dirayaa gabay uu dareensiinaayey dhalinyaradda iyo dadka inuu rabo inuu ka qayb galo tartanka doorashaddii Baarlamaanka ee loo balansanaa March 1969 kii oo uu ka qayb galay kuna soo baxay mudane laga soo doortay magaaladda Hargeysa kuna biiray Baarlamaanka dalka ee fadhigiisu ahaa Muqdisho. Mudane Cumar Carte gabay dheer oo fariin ah ayuu Adis ababa ka soo diray waxaana ka mid ahaa gabaygiisaasi tuducyaddan oon in yar uun ka soo qatay gabaygiisii dheeraa oo lagu dhigan jiray suugaanta dugsiyadda sare;

Dunidaba macaankeedu waa, maalmo kuu qorane
Magac baa ka hadha maalintay, maro ku saaraane
Middaan doonayaa waa dadkoo, hela muraadkiise
Miyi iyo magaaloo daryeel, laga maseeyaaye
Magaalooyinkeenoo dhismaan, maanka ku hayaaye
Mugdiga jahligu keenaybaan, meydha leeyahaye
Cuduradda na miidhan rabnaa, inaan maqiiqnaaye
Dhirteena magooshan rabaa, inaan midheeynaaye
Eebboow muraadkaygaa qumi, waa midhaan idhi e
Adigaan mildhoow iyo lahayn, maaga aadmiga e
Eebbow adaa magab gudee, marinka hay seejin

…..                                  By: Cumar Carte Qaalib

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Ilaahay haw naxariistee isaga ilaa laba gabay baan ka arkay. Niman kale oo siyaasiyiintii hore gabyi jiray baa jira sida Axmed Yussuf Ducaale oo aan jeclaan lahaa cidii haysa gabayadiisii isaga iyo inta kale ee aanan aragba, waxaa igu maqaalo ah inuu u jawaabay gabay uu beri Lugooyo IHUN tiriyey. Kolay raga wax qoraa bal ha ururiyaan suugaanta raggii hore ee siyaasiyiinta ahaa ee haldoorka bulshadda u ahaa. Qoraalkaygan yarani wuxuun buu ahaa guubaabin. Waxaan ku baraarujinayaa dadka taariikhda iyo suugaanta qora inay ururiyaan suugaanta dhifka ah ee ay mariyeen siyaasiyiintii madaxda iyo haldoorka bulshadda ahaan jiray. Kheyr baan idiin rajaynayaa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured