Maareeyaha Dekeda Berbera oo Soo Dhoweeyey Masuuliyiin ka Socda Gobolka Maroodi-jeex, Shacabka Hargeysa ugu Bushaareeyey Qalabkii Biyo-gelinta Wajigiisi Koowaad inuu soo Gaadhay Dalka....

0
Tuesday July 09, 2019 - 19:45:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekeda Berbera oo Soo Dhoweeyey Masuuliyiin ka Socda Gobolka Maroodi-jeex, Shacabka Hargeysa ugu Bushaareeyey Qalabkii Biyo-gelinta Wajigiisi Koowaad inuu soo Gaadhay Dalka....

    Maareeyaha Dekeda Berbera oo Soo Dhoweeyey Masuuliyiin ka Socda Gobolka Maroodi-jeex, Shacabka Hargeysa ugu Bushaareeyey Qalabkii Biyo-gelinta Wajigiisi Koowaad inuu soo Gaadhay Dalka....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekeda Berbera oo Soo Dhoweeyey Masuuliyiin ka Socda Gobolka Maroodi-jeex, Shacabka Hargeysa ugu Bushaareeyey Qalabkii Biyo-gelinta Wajigiisi Koowaad inuu soo Gaadhay Dalka....
Berbera(Xogreebnews)-Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa Gudaha Dekeda Berbera, ku qaabiley Masuuliyiin ka Socday Gobolka Maroodi-jeex oo soo kormeerayey qalabka Biyo-gelinta Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo wajigiisii koowaad soo gaadhay Dekeda.
Masuuliyiinta ayaa kala ahaa duqa Caasimada Cabdiraxmaan Soltelco iyo badhasaabka Maroodi-jeex iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa.
Maareeyaha Dekeda Berbera oo ugu horeyn gudaha Dekeda Berbera kusoo dhoweeyey Masuuliyiinta, ayaa shacanka Somaliland ugu Bushaareeyey, gaar ahaan kuwa caasimada inuu dekeda soo gaadhay wajigii koowaad ee qalabka Biyo-gelinta Caasimada, isagoo sidoo kalena soo tusay Mada xdii halkaa tagay 10 Koontiinar oo ay ku jiraan qalabka Biyo-gelinta Hargeysa, waxanu yidhi.
"Waxa Maanta sharaf dheeraada noo ah, in aanu gudaha Dekeda kusoo dhoweyno wafti sare oo ka socda Gobolka Maroodi-jeex, kuwasoo kala ah, Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa, Maayirka iyo badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, aad iyo aadbaan idin soo dhoweynayaa. Dekeda Berbera waxa soo gaadhay wajigii koowaad ee qalabkii Biyo-gelinta Hargeysa, oo waftiguna soo kormeeray, qalabkuna waa 10 Koontiinar oo u horeeyey, oo ah qalab biyaha lagu gelinayo 18Km oo Hargeysa ah, kuwo kaloo faro-badanina way soo socdaan. Waxan jecelahay inaan Farxada la qaybsado Shacabka Caasimada Somaliland ee Hargeysa".



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured