Dekeda Berbera oo Caawa ku Mashquulsan Rarista Xoolaha Moosinka Xajka Tagaya Iyo Xoolaha oo Dekeda Jiddah Kaga Degaya Warqada Caafimaadka Somaliland....
Dekeda Berbera oo Caawa ku Mashquulsan Rarista Xoolaha Moosinka Xajka Tagaya Iyo Xoolaha oo Dekeda Jiddah Kaga Degaya Warqada Caafimaadka Somaliland....
Berbera(Xogreebnews)-Waxa si Toosa Dekeda weyn ee Magaalada Berbera uga bilaabmay rarista Maraakibta qaadaysa Xoolaha Moosinka Xajka, waxana caawa laga raraya Dekeda laba Markab midkiiba qaadayo midna 62000, halka kan kalena qaadayo 15000 kun.
Sida uu noo xaqiijiyey Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, oo Khadka Telefoonka ugu Waramaayey Shabakada Xogreebnews.
Maareeye Siciid waxa uu sheegay in saacadaha soo socda Maraakib badan oo kale la rari doono.
Sidoo kale, waxay Xoolahani si toosa ugu dhoofayaan Warqada Caafimaadka ee Rugta Ganacsiga Somaliland, iyagoo toos uga degi doona Dekeda weyn ee Jiddah.
Talaabadan lagu raray Xoolaha Somaliland ee ka dhoofaya Dekeda Berbera, ayaa timi kaddib markii Somaliland ku guuleystay Xukuumada Muqdisho markab todobaad ay ku xayirtay Dekeda Jida, markab kaasoo lagu guuleystay in la dejiyo Maanta, isla markaana Xoolaha ka dhoofaya Dekeda Berbera ay Dawladu Sucuudigu ula macaamisho sidoodi hore, ee ahayd in ay xooluhu ku dhoofaan Waraaqda Caafimaadka Somaliland. Leave a comment |
|