Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan waxaan ku bogaadinayaa caydhinta Taliyaha Taraafikada Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi. W/Q. Siciid Maxamud Gahayr

0
Wednesday August 07, 2019 - 22:39:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan waxaan ku bogaadinayaa caydhinta Taliyaha Taraafikada Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi. W/Q. Siciid Maxamud Gahayr

    Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan waxaan ku bogaadinayaa caydhinta Taliyaha Taraafikada Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi. W/Q. Siciid Maxamud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan waxaan ku bogaadinayaa caydhinta Taliyaha Taraafikada Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi. W/Q. Siciid Maxamud Gahayr
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan waxaan ku bogaadinayaa caydhinta Taliyaha Taraafikada Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi.
Shalay ayaan ku dhaafay City Centre isaga oo Gadiid ku garaacaya ul caag ah 11:30. Iska daa odayada reer Gebiley, aniga ayuu ii Yooniseeyay/qabyaaaladeeyay. Wuxuu ahaa bar madaw oo ku taalla ciidanka nabad gelyada waddooyinka.
Akhrin sheekadan dheer
Xasuusta Qudh-gooyo (Dil) Uu Iigu Hanjabay Taliyaha Taraafikada Ahna Af-hayeenka Ciidanka Booliska Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi.
Kollayba marka xabsi la galo, lama qarin karo wixii lagala kulmo. Xogta aan maanta gudbinayaana waxa ay ka mid tahay diiwaan la yidhaahdo "Waayahaygii Xabsiga”, haddii aan qarin lahaa ama dedi lahaana, taariikhda lama dhalan-geddiyi karo.. Mar ay noqotana ummadda wuu soo gaadhi lahaa. Markaas yaan laga ergayn in aan daah saaro.
Maalinnimo Jimce ah 4tii Jeneweri 2019ka, Habeennimo Sabti soo gelayso ayaa la igu xidhay xarunta Taraafikada ee bariga Hargeysa, ninkii ilaalada noo ahaa wuu iska rawaxay, sidaas awgeed ma aannu helin cid biyaha noo darta. Waa habeenka qudha ee aan soorta qallayl ku cunay. Bal waakan’e ha kaa dego raashin engegani, car baasto qarax ah cunaha mari.. Jidiinka ayaa ku holci. 
Dadka xidhnaa oo badan awgeed, waxa aan ka gam’i waayay cidhiidhiga iyo khuurada maxaabiista. Markii aanu dhinaca dhulka dhignay waxa na soo weeraray dulinkii kaneecada oo yuuskiisa lahaa. Qaar hurdo xun ayaa is-rogaya oo soohdintooda ka soo durkaya. Jiqil iyo laad bay kula dhacayaan. 
Taxaabistaydaba waxa igaga darnaa markii aan arkay laba nin oo loo xidhay awgay, inta ay taleefankayga soo waceen ayaa lagu yidhi "Wuu ka lumay ee kaalaya u qaada”. Maamuus Hotel oo ku xiga xerada Taraafiga ayaa lagula ballamay, halkaas ayaana laga soo qabtay. In subaxa la sii deynayo ayaan u ballan-qaaday. 
Rag aanu ballan lahayn oo aanu maalmahaas is-barannay ayay ahaayeen. Taraafiga ayay hayaa moobilka oo dadka qafaashayay. Ninka dadka u xidhaya magacaygu wuu garanayaa magacayga soo saddexan, haybtayda, shaqadayda iyo xog kasta oo la igu baadi-goobi karo.
Arooyadii hore ee Sabtida 5tii Jeneweri 2019ka ayaa maxaabiista la soo dareeriyay, waxaana goobjoog ka ahaa Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi Taliyaha Qaybta Taraafikada ahna Af-hayeenka Booliska Somaliland. Hore ayaanu isu seegnay. Qacdii aan indhaha ku dhuftay ayaan ku idhi "Haddii aan anigu xidhanahay, maxaad ku haysataan labadan nin? Ma in taleefankayga la soo waco ayaa dembi ah?”. 
Askari baadhe ah ayuu ku yidhi "Wax ka qor, sii daa labadaas nin”. Walaw aan maxbuus ahaa, Taliyuhu wuu anfariiray. Waxa uu noqday sidii bisad (taliyaha) la hor fadhiisiyay libaax (aniga). Afka ayuu furtay, wax kastana wuu ku hadlay. Maxaabiistii subaxaas joogtay ayaa ka marag furi karta af-kala-qaadkiisa. Shil-beenaadka la ii haysto, waxa ka darnaa utunta iyo naxliga la ii hayay ee huursanaa. Wax dednaa baa dillaacay, nin dulqaad muujin lahaa ayaa dabarka goostay. Salbabakha ma taqaannaan?.
In aan madaxda booliska lagu xulin aqoon ayuu sheegayaa. Wuxuu iska dhigayaa nin aan booli-cun ahayn, rag hantida qaranka weecsadayna wuu difaacayaa. Biri-ma-geydo ayuu xajiimaynayaa. Dulmigiisa qiil ayuu u samaynayaa. Maagagayna daw-dhaaf buu ku suntayaa. Wax aan af madaxeed ahayn ayuu fagaare la joogsanayaa. Aniga ayaa u naxay oo ka naxay, isagii ayaa dhibbane ah. Wuu kadeedan yahay oo kallifan yahay.
Weedhihiisa waxa ka mid ahaa:
1. Siciid Maxamuud Gahayrow, anigu waxa aan ahay nin ah Ciidagale/Yoonis/Maxamed Yoonis/Reer Yey. Adiguna Ciidagale/Cabdibari ayaad tahay. Haddii aad is leedahay Faysal Xiis ayaad wax ka qaadi kartaa, qor imaka waa la kudaa
2. Hooyadaa waxaa ku samee…………………………..
3. Waa ninka intaan sii daayay xerada soo caayay, ee yidhi laaluush ayaa la qaadaa
4. Waa ninka shahaadada-caddaalad-darrada i siiyay!
5. Cabdillaahi Fadal ayuu shahaadada xasuuqa shacabka guddoonsiiyay, oo uu abtinnimo kaga xishoon waayay. Waa nin miskiin ah Taliyaha Guud ee Boolisku
6. Car ha ii yimaaddaan labadii nin ee maalintii hore iga sii kaa daayay.
7. Anigu xilkan uma hayo reer. Jaamacad Talyaaniga ah ayaan ka baxay, mooyi inaad maqashay. Nin iga aqoon badani kuma jiro booliska, marka aqoon wax lagu qiimaynayo ayaan sugayaa.
8. Xaaji Cabdi iyo Suldaan Maxamed midna ma kaxaysanayo si ay xil iila doonaan.
9. Wallaahi in aan lagaa saamixin ta aad ku samaysay wiilka aan adeerka u ahay ee Ina Xasan-Gidhin, madaxa ayaa lagaa toogan doonaa. Aniga ayaa adeer u ah Faysal Xasan
10. Reer Xiis Cilmi waxa ku jira tuug iyo sakhraamiin, "aanu soo dilno” bay dhaheen. Aniga ayaa ka diiday
11. Anigu Faysal Xiis Cilmi ayaan ahay, adiguna Siciid Maxamuud Gahayr. Ma aqaanno boolis iyo xil midna, wallaahi haddii aad magacayga soo hadal-qaaddo, midkeen ayaa godadka Naasa-hablood lagu aasayaa.
12. Anigu guri ma lihi, gaadhi ma lihi. Ma gurto lacagta xaaraanta ah. Gurigii aabbahay oo Jungalka ah baan ku jiraa
13. Maxaad ka qaadi kartaa Maxamuud Xaashi, waa nin fooqyo leh?
14. Sheeg mid askartayda ah oo laaluush ku weydiiyay
15. Markaa aan eedda ku jeediyay ee aad xidhnayd, waxa aan ahay Af-hayeenka Booliska, waxa la ii keenay warqad qoran oo aan akhriyay. Amar ayaana la i siiyay.


Weedhaha aan lahaa, waxa ka mid ahaa "Iska hubi, cidna ma jiidhin. Cay ma qoro. Adigu marka aad lahayd dembi buu galay, aniga oo xidhan, maa maxkamad ayaad tahay? Sidee ayaad dusha iiga saartaa fal aanan samaynnin? Miyaad na ammaanaysay mise weerar baad ahayd?”. 

Weerarkiisa qaarkood waan iska difaacayay, kuwana intaan bidixda ka maqlo ayaan midigta ka sii deynayay. Ma sii dhuuxin. Inta uu duryamayo, anigu degganaan ayaan muujiyay. Mararka qaarkood isaga oo qamuunyaysan ayaan qoslayay.

Waxay ahayd markii kowaad ee masuul dawladeed uu dil iigu hanjabo, aniga oo xidhan. Waxay ahayd markii kowaad ee masuul dawladeed uu qabyaalad iila badheedho. Odayaal waalid iigu ah da’da bal se aanu ilmaadeer nahay ama aan adeer u ahay ayaa laga dhigay inay hagradeen ninka taraafiiga haysta. Ma durayo ardaaga uu hayb ahaan yahay, dad gob ah oo damiir wacan ayaa ka dhashay. Dad ka xanaaqay xadgudubkiisa ayaa ka mid ah. Boqollaal aniga ii hiilin lahaa ayaa la xigaal ah.

Hadalka uu jeediyay intaas ayaan ka xusayaa. Khudbad iyo dood socotay 45 mirir lama soo koobi karo, marar uu si fiican u hadlayna waa jirtay. Aniga se ima khuseeyaan. Maxaabiista hortooda mar ayuu igula hadlay, laba jeerna xafiiskiisa ayuu iigu yeedhay, waxaana la joogay ciidan. 

Saddex goor oo min 15 mirir ah ayuu ila hadlay oo aanu yooyootannay. Habeenkaas iyo subaxaas mooyaane, toddoba cisho oo dambe oo aan ku xidhnaa Taraafikada si wanaagsan ayaa la iila dhaqmay. Saddex cisho oo Axmed-dhagax la i geeyay markaan xasuustana waan halcadaa. 

Waa into ay si Alleba wax u dhacaan’e, warkaygii ayaan ummadda wada gaadhsiiyay..



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured