Shan Qof Oo Ku Dhintay Toogasho Ka Dhacday Ceel-Afweyn

0
Monday August 12, 2019 - 18:34:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan Qof Oo Ku Dhintay Toogasho Ka Dhacday Ceel-Afweyn

    Shan Qof Oo Ku Dhintay Toogasho Ka Dhacday Ceel-Afweyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shan Qof Oo Ku Dhintay Toogasho Ka Dhacday Ceel-Afweyn

Ceel-Afweyn, (Xogreebnews– Ugu Yaraan shan qof ayaa ku dhintay afar kalena dhaawac ayaa soo gaadhay kadib markii dablay beeleed hubaysani ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa magaalada Ceel-Afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Dadka dhintay ayaa kala ah saddex dumar ah iyo laba nin sida uu Telefishanka HCTV  u xaqiijiyey maayarka magaalada Ceel-Afweyn, Cabdirixiin Aw Yuusuf Axmed.

Ugu Horayna Maayarka oo weerarkaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi "Waxa dhintay saddex dumar ah iyo laba ragg ah, shantaa qof ayaa dhintay ilaa afar qofna waa dhaawac.

Ciidamadu meesha way soo dhexgaleen xabadiina way istaagtay, shuftadii weerarka soo qaadayna way ku daba joogaan.” Ayuu yidhi Maayarka magaalada Ceel-Afweyn oo khadka Telefoonka ugu waramay Telefishanka HCTV.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured