SOCDAALKII Guusha ahaa ee Gunimada kusoo dhamaaday.W/Q Farxaan Cali Guuleed.

0
Wednesday August 14, 2019 - 23:50:52 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOCDAALKII Guusha ahaa ee Gunimada kusoo dhamaaday.W/Q Farxaan Cali Guuleed.

    SOCDAALKII Guusha ahaa ee Gunimada kusoo dhamaaday.W/Q Farxaan Cali Guuleed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SOCDAALKII Guusha ahaa ee Gunimada kusoo dhamaaday.W/Q Farxaan Cali Guuleed.
Sideedaba hogaamiye umadeed waxa uu ka duula ama hogaamintiisa saldhig u ah dareenka ay dadkiisu qabaan, maaha mid siduu isagu doono u talaabsada, wuxuu mar walba ku dul-socdaa shuruucda dalkiisa u yaal iyo dareenka umadiisa, Sida inoo muuqanaysay Safarkii uu Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland kaga Ambabaxay dalka isagoo aynu ku ogayn in lagu qaabilay Dalku galka Somaliland leedahay lana siiyey qaabilaad Madaxweyne, Socdaalkii sidaa ku bilowday waxaa kasoo muuqday Madaxweynihii oo la sawir niman si cad uga soo horjeeday Jiritaankeena geed dheer iyo mid gaabana isugu taagay waxyeelaynta himiladeena, arrintaasi waxay laf jab iyo qalbi dil ku noqotay umadii uu madaxweynuhu karaamadooda huwana, waxay is waydiintu tahay madaxweynuhu muxuu ku bedeshay qalbi jabka uu umadiisa gaadhsiiye Ma sawirkaas baa kala qiimo roodnaay?
Waxa kale ooy is waydiintu tahay dalka gini oo shalay inoo galay Godob siyaasadeed, Maanta markuu madaxweyneheenii la sawiran yahay ninkii shalay xidhiidhka u jaraayey gini kula dagaalamayey maxaa muuse biixi u qaabisheen ,miyaanay arkayn inay gini cidla godob ka qaadatay , oo ay raacday dad aanay waxba ka dhab ahayn? 
Dalalka kale ee ku soo dhiiranaayey Gacansiinta jamhuuriyada Somaliland Sida kenya Miyaanay arkayn inaanaynaan ahayn dad waxba mudan oo lagu khasaaroobo oo aanay arrimeheena ka fiirsanayn? 
Madaxweynuhu miyaanu maanta fasaxin inuu nin waliba isla soo sawiro kii uu doono oo aan dambi ku qabanayn  mar haddii ay isaga iyo wasiirkiisii arrimaha gudaha sidaa yeeleen? 
Shalay wixii ugu weynaa ee dadku codka ku siinayeen madaxweynaha ee ragga kale loogaga eexday miyaanuu ogayn inay ahayd in loo arkaayey nin somaliland ku adag  oo aan si yar loo duufsan karin xagguu dhigay kalsoonidii?
Sawirada dambe ee ay soo dhigdhigayaan miyaanuu ogayn inaanay wax dhadhan iyo qiimo ah oo ay dadkan u leeyihiin aanay jirin iminka ee uu kalsoonidii umada sidaa yar ku lumiyey? 
Isku soo wada duuboo waxaa muuqatay Maanta khudbadihii qiirada u badnaa ee uu jeedin jiray Madaxweynuhu iyo eedaymihii faraha badnaa ee uu rag waaweyn oo siyaasiyiin ah oo ka horeeyey iyo hogaamiyaal xisbiba lahaa ku hurgufi jiray in aanay qulaaqulshaha dhaafsiinayn?  Ninka rag ahi waa ka khaladaadka uu ka galo dadkiisa ka raali geliya ee qirtana sida wax uga khaldameen waxaa looga fadhiyaa wixii uu umada u sheegi lahaa maaha caruur dadku kolba sawir la daawad siiyo oo kolna qosla qolna cadhoodeen waa dad qiyam leh, go,aankoodana wax ku ciyaara aan u baahnayn, madaxweyne haysu fahmin inaad tahay ka isagu siduu doona yeela ee haddana saxan ? Waxaad u fahantaa inaad dadku waxay rabaan aad u taagan tahay inaad ku talaabsato oo keliya wa bilaahi tawfiiq.
Qaalinkii
Farxaan Cali Guuleed.
Hargeysa/Somaliland. 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured