Daawo Waraysi Xasaasi ah oo Siyaasi Uur-cadde Kaga Hadlay Nuxurka Kulan Madaxweyne Biixi iyo Wasiirrada Soomaaliya dhex-maray
Daawo Waraysi Xasaasi ah oo Siyaasi Uur-cadde Kaga Hadlay Nuxurka Kulan Madaxweyne Biixi iyo Wasiirrada Soomaaliya dhex-maray
Hargeysa(Xogreebnews):- Cabdillaahi Maxamed Uur-cadde oo ahaa Xoghayihii guud ee hore ee Xisbiga Waddani, wakhtiganna ah siyaasi madax-bannaan, ayaa sheegay in Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ka tirsan ee kulanka la yeeshay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga la socdaa la xidhiidhay raalligelin iyo cafis-weydiisasho ka yimi dhinaca Wasiirrada Soomaaliya, sida uu ku dooday. Waraysi kooban oo xasaasi ah oo uu Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde la yeeshay Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Baddacas24TV, waxa lagu weydiiyey su’aalo kala duwan oo la xidhiidha xogta uu ka hayo kulankaas oo hadal-hayntiisa iyo wararkiisu aad ugu badnaayeen Warbaahinta, Baraha Bulshada iyo sidoo kale goobaha kala duwan ee ay Dadweynuhu ku kulmaan. Haddaba, waraysigaas koobani siduu u dhacay iyo nuxurkuu sido, su’aalaha iyo jawaabahaba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- Leave a comment |
|