Berbera: "Xeebta koonfureed ee Gacanka Cadmeed" Telefishanka Euronews, oo Warbixin ku qaada-dhigay Horumarka Dekeda Somaliland, kuna Baahiyey English, Faraansiis iyo Carabi...

0
Saturday September 21, 2019 - 03:29:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Berbera: "Xeebta koonfureed ee Gacanka Cadmeed" Telefishanka Euronews, oo Warbixin ku qaada-dhigay Horumarka Dekeda Somaliland, kuna Baahiyey English, Faraansiis iyo Carabi...

    Berbera: "Xeebta koonfureed ee Gacanka Cadmeed" Telefishanka Euronews, oo Warbixin ku qaada-dhigay Horumarka Dekeda Somaliland, kuna Baahiyey English, Faraansiis iyo Carabi...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera: "Xeebta koonfureed ee Gacanka Cadmeed" Telefishanka Euronews, oo Warbixin ku qaada-dhigay Horumarka Dekeda Somaliland, kuna Baahiyey English, Faraansiis iyo Carabi...
Hargeysa(Xogreebnews)-Telefishanka caanka ah ee Euronews, ayaa Warbixin Mug weyn, ka diyaariyey horumarka balaadhan ee Dekeda Berbera samaysay iyo sida ay Dekeddu Istaatiiji u tahay, maadaama oo ay ku talo Marin mashquul ah, oo isu-socodka dunida halbowle u ah.
Telefishanka Euronews, ayaa Warbixinta uu ka Diyaariyey Somaliland waxa uu ku sii daayey in ka badan sadax luuqadood oo kala ah, English, Faransiis Iyo Carabi, Warbixinta waxa lagu Waraystay afar masuul, oo kala ah, Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi, Wasiirka Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi iyo Madaxda Shirkada DpWorld Berbera Super-je, waxana diirada Lagu saaray dhaqaalaha Somaliland iyo madaxbanaanideeda iyo weliba marinka Badda ee ay Ku taalo iyo weliba dhismaha Dekeda Cusub ee ay maalgelinayso Shirkada DP World oo meel wanaagsan maraya.
 waxana lagu yidhi Warbixinta Xeebta koonfureed ee Gacanka Cadmeed, waxa ku taala Dekeda Berbera ee Somaliland. Waxay ku taalaa meel istiraatiiji ah geeska Afrika waxayna ku taalaa waddo aad u mashquul badan, taasoo halbowle u ah isu-socodka badeecadaha u kala gooshaya bariga dhexe iyo Afrika.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo aanu waraysanay Waxa uu yidhi "Berbera waxay muhiim u tahay Somaliland iyo dunida oo dhan, geeska Afrika iyo inta badan waddamada Badhtamaha Afrika. Waa irridda isku xidha waddamo badan oo Afrikaan iyo adduunka,  qaarada Aasiya ilaa iyo Shiinaha. Dhanka kale marinka Suez, waxay isku xidhaa wadamo badan oo Afrikaan ah Bariga Dhexe, Yurub iyo illaa Waqooyiga Ameerika. " ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi. 
 Shirkadda DP World ayaa ka shaqaynaysa ballaadhinta iyo casriyeynta dekeda Berbera, si ay ugu badasho xarun xamuul oo weyn, taasoo ku taala Geeska Africa. Shirkada Dp World waxay Dekedda Berbera kusoo kordhinaysa dhismaha Deked cusub oo dheererkeedu yahay 400, Madaxda Shirkada Dp World Berbera Supachai Wattanaveerachai  waxa uu yidhi "Hadafkeennu waa in Berbera laga dhigo xarun badeed Caalamiya, sidoo kale waxanu waraabin doonaa Itoobiya iyo suuqyo cusub loo furo dadka reer Somaliland. Shirkadda DP World waxay kaloo maalgelisay tababarka shaqaalaha iyo badbaadada si kor loogu qaado wax soo saarka. Wejiga koowaad ee mashruuca ballaadhinta $ 400 ayaa ujeedadiisu tahay inay Dekedda kusoo xidhaan maraakiibta waaweyn ee konteynarada ah, waxaan qabanay wax la mid ah 4,000 ilaa 5,000 TEU (weelal) bishii. Laakiin hadda inta lagu guda jiro muddadaas, biilku sida wuu ka badan yahay, waxaanu kor u qaadnay wax ka badan 50% ama 60%. Hadda, bil kasta waxaan qabannaa wax la mid ah 12,000 ilaa 15,000.
Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa isna Sheegayaa in ay dunida muhiim u tahay Dekeda Berbera, maadaama oo ay ku taalo Marin muhiim, Waxanu yidhi, " Waxanu tayeynay Shaqaalahayaga, aqoontooda. waxa kaloo aanu ilaalina amniga Badeena la macaamilka dunida, Waayo Dekeda Berbera waxay ku taaala bog cad istaraatiiji ah, maadaama oo ay Sannaad walbaa Maraan in ka Badan 35000, oo Markab, Waxanu sii kordhinaynaa la macaamilka dunida, waxana boo diyaarsan qorshayaal lagu kobcinaayo dhaqaalaha iyo saaxibtimada wadamo kala duwan, Dekeda Berberi waxay waraabin doontaa in ka Badan 100m, oo la jaar ah Dekedda Berbera, waana wadanka Itoobiya, sidaas daraadeed Dekedda Berbera waxay muhiim u tahay danaha dhaqaale iyo Siyaasadeed ee dunida iyo dawladnimada Somaliland, dhowaan waxa fillaynaa inay xilliyo isu dhow dhamaadan dhismaha Dekeda Cusub iyo Wadada Berbera Corridor, taasi waxay fudaydinaysaa isu socodka badeecadaha Dekedda uga soo degaya dalka Itoobiya ".
sidoo kale, Wasiirka Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka Hadlay Arrimaha dhaqaalaha Somaliland iyo saaxibtimada dunida, Waxanu sheegay in marka la dhameeyo Wadada Berbera Corridor ay sahlananayso isu socodka Itoobiya iyo Somaliland.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured