Akhri Magac-yadda Xubno Ka Tirsan Xisbiga Wadani Oo Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq

0
Saturday October 05, 2019 - 20:50:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhri Magac-yadda Xubno Ka Tirsan Xisbiga Wadani Oo Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq

    Akhri Magac-yadda Xubno Ka Tirsan Xisbiga Wadani Oo Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhri Magac-yadda Xubno Ka Tirsan Xisbiga Wadani Oo Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq

Halkan Ka Akhri Magac-yadda Xubno Ka Tirsan Xisbiga Oo Ay Guddida Fullinta Xisbiga WADDANI Ku Eeddeeyey Inay Ku Kaceen Musuq-maasuq


Guddida fullinta Xisbiga WADDANI ayaa khamiistii todobaadkii tegay kullan xaasaasi ah ku yeeshay xarunta guud ee uu Xisbiga WADDANI ee Magaalada Hargeysa, waxaanay dood dheer ka yeeshaan arrimo saamayn xun ku leh Xisbiga , kuwaas oo ay sheegeen haddii sidan ay ku sii socoto uu xisbigu halis ugu jiro inuu dumo, waxaanayGuddoomiyahafarta u saareen arrimo kale duwan oo ka dhex-dhacay Xisbiga guddihiisa labadii bilood ee ugu dambeeyey, kuwaas oo ay kamid ahayeen

1)- Kabka Xukuumaddu Siiso Xisbiga Iyo Lacago Qurbajoogtu Soo Dirtay Oo La musuq-maasuq

Guddida Fulinta ee Xisbia Waddani ayaa shir ay 26-kii 09/2019 ku yeesheen xarunta Guud ee WADDANI waxay si adag uga wadda haddleen ku tagrifal lagu sameeyey Lacagta kabka ah ee ay Xukuumaddu siiso Xisbiga bil kasta iyo qaadhaan laga helay qurba joogta Xisbiga, kaasi oo ahaa mid loogu talo galay in shirkii golaha dhexe ee xisbiga lagu qabto , waxaanay tilmameen inuu xog-hayaha Guud Khadar Cabdi uu ku kacay falkaasi, iyagoo xusay in agaasimaha maamulka iyo lacagtu ee xisbiga ay u diiday inay foojar la’aan ku bixiyo lacagahaasi,haseyeeshee uu xoghayuhu arrintaasi fushayday, kadib markii ay inantaasi fasax gashay bilawgii bishii sagaalaadee sanadkan.

2) Khasanaddo kale oo ay ku dhacday lacagtii diiwaangelinta xubnaha golaha dhexe ee xisbigu

Guddida Fulinta ee Xisbiga WADDANI ayaa waxa kale oo la sheegay in ay kullankaasi ay xarunta guud ee Xisbiga ku yeesheen maalintii khamiistii26-kii/ 09/2019 ay ku lafa gureen qaabkii loo maamulay dhaqaalihii kasoo xarroonayey muddadii ay socotay diiwaangelinta xubnaha golaha dhexe ee xisbigu, iyadoo xubin kasta laga qaadayey lacag dhan $240 dollar,taasi oo ahayd lacag laga qaadayey xubin kasta oo golaha dhexe isu-diwaangelinaysay, waxaana lagu qiyaasay guud ahaan lacagta ka soo xarootay inay ku dhaweyd sideetan kun oo dollar( $ 80,000kun oo dollarka), haseyeeshee aanay si toos ugu soo wada xarroon qasnada Xisbiga siddii la rabay, waxaanay farta ku fiiqeen in xubnoay kamid yihiin Afhayeenka Xisbiga Barkhad Batuun, Cabdiqaadir Iidle iyo Khadar Cabdi Xuseen ay iyagu sifo sharciga xisbiga baalmarsan ay lacagtii diiwaangelinta xubinimadda golaha dhexe ee xisbiga ay uga urursadeen xubno boqol qof gaadhaya,taasi oo ay si gooni gooni ah ugu kaceen, isla markaana uu mid waliba dhankiisa lacago u urursaday, waxaana la soo bandhigay magac-yadda xubnaha ay lacagtaasi ka qateen qaarkood, iyadoo guddida fulinta ay arrintaasi ku sheegtay mid sharciga Xisbiga baalmarsan oo khaldan, isla markaana ciqaabteeda leh in la marsiiyo.

Gudddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo isaguna shirkaasi fadhiyey iyo Hoggaamiyaha Xisbiga ayaa arrintaasi ka garaabay, balse waxa la isla gartay in arrintaasi aan hadda la fur-furin madaama uu shirkii golaha dhexe ay maalini ka hadhasanayd, waxa kale oo la isla qaatay in aan arrintaas laga haddal oo aan shirka dhex-diisa wax-ba laga sheegin, haseyeesha Xasan Xuseen Cod-yare oo ah xisaabiyaha guud ee Xisbiga ayaa maddasha shirka maalintii labaad ka sheegay in aanu Xisbigu siddan ku sii soconay haddii aan la xafidin dhaqaalihiisa, isagoo Xasan Cod-yare xusay inay qurbajoogtii joojiyeen dhaqaalihii Xisbiga WADDANI markii ay waayeen xisaab xidh cad !!.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured