Dowladda Soomaaliya oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Qarramada Midoobey

0
Saturday October 05, 2019 - 23:01:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Qarramada Midoobey

    Dowladda Soomaaliya oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Qarramada Midoobey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Qarramada Midoobey

Muqdisho (Xogreebnews)-Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Kenya ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista hawadda kaddib markii maata diyaarad ka soo duushay magaalada Nairobi ay si toos uga degtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah tallaabadan ay qaaday dowladda Kenya u gudbisay Qarramada Midoobey gaar ahaan waaxda duulista Hawadda ee ICAO, waxaana ay dowladda Kenya ku eedeysay in ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista Hawadda.

Diyaarada maanta ka degtay magaalada Kismaayo oo nooceedu ahaa F/50 ayaa la sheegay in shatiga ay isticmaashay laheyd shirkadda Jubba Airweys iyadoo uu lahaa diyaaradan ganacsade Soomaaliyeed.

Diyaaradan ayaa lagu wadaa in sidoo kale magaalada Garoowe ka soo qaado wafuud lagu wado in ay ka qeybgalaan munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo horay dowladda Soomaaliya u amartay in duulimaayada caalamiga ah soo maraan magaalada Muqdisho ka hor inta aysan ka degin magaalada Muqdisho.

Dacwadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ka dhan ah dowladda Kenya oo ay Soomaaliya u gudbiso Qarramada Midoobey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured