GEESINIMADA NINKA SOOMAALIGA AH Xusuus qorkii ama diary gii Captain R.B. Cobbold. Sheeko Kale.

0
Sunday October 06, 2019 - 00:23:03 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 896
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GEESINIMADA NINKA SOOMAALIGA AH Xusuus qorkii ama diary gii Captain R.B. Cobbold. Sheeko Kale.

    GEESINIMADA NINKA SOOMAALIGA AH Xusuus qorkii ama diary gii Captain R.B. Cobbold. Sheeko Kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GEESINIMADA NINKA SOOMAALIGA AH Xusuus qorkii ama diary gii Captain R.B. Cobbold. Sheeko Kale.
GEESINIMADA NINKA SOOMAALIGA AH
Xusuus qorkii ama diary gii Captain R.B. Cobbold.
Sheeko Kale.

Geesinimada Ninka Soomaaliga ah iyo wixii laga qoray, bal maantana aan idinla wadaago xusuus qorkii Captain R. B Cobbold 1901 dii iyo dhacdo ka turjumaysa geesinimada iyo dhiiranaanta ninka soomaaliga ah. 
Dhacdadan oo ka dhacday dhul Soomaaliyeedka loo yaqaan Ogaden isla markaana dhex martay Ogaden iyo ciidan si casri ah u hubaysan oo Axmaaro ah - (Abbysinian Army).
Waa qiso xanuun iyo gocasho leh oo mudan in la xusuusto si dhalinyaradu u noqoto kuwo ka war qaba waayaha taariikheed iyo wacdarohii ka horeeyay.


Balse si aan u wacyigaa u fahano iyo xaalada guud ee deegaankaasi ku sugnaa iyo tacadiga kasoo gaadhi jiray xoolo dhaqatada Ogaden, aan soo qaadano warbixin qusulkii Somaliland u fadhiyay Ingiriisku u diray London oo uu kaga hadlaayo dhibaatooyinka Abbysinia u gaysan jirtay dadka Ogaden ee Ingiriisku dhegaha ka furaystay.

Waa sanadkii 1892 kii, qunsulka Ingiriis u fadhiyay Somaliland wuxuu qoray warkan hoos ku qoran:

"ciidan balaadhan oo Abysinian [Ethiopian] ah ayaa kasoo laabtay Ogaden oo wata biliiliqo kumanaan geel ah, lo’ tiro badan iyo hanti nooc walba ah. Waxaan kale oon ka maqlay ilo-wareed kale in deegaankaa iyo dadkii ku dhaqnaaba baabah ay ka dhigtay macaluul iyo cuduro lagu sheegay daacuun, laakiin laga yaabo inay tahay ‘xumad-macaluuleed’ oo dad badani darteed u leedeen. Xaaladan waxaa loo nisbaynayaa inay sabab u tahay hab-dhaqanka ciidamada Abbysinia oo wax kasta cunay [yacni wax kasta oo dadkaasi haysteen ka xoogay]. "

Inagoo maskaxda ku hayna warkan oo ka turjumaaya tacadiga soo jireenka ahaa ee Abbysinia ku haysay dadka Ogaden, bal aan hada guda galno Xusuus qorkii Captain R. B. Cobbold 1901 dii.

Captain Cobbold wuxuu ahaa sarkaal dawlada Ingiriisku u xil saartay inuu kormeere ka noqdo sida Abbysinia ula dhaqmayso Soomalida Ogaden. Maadaama Ingiriis ku wareejiyay Ogaden Xabashida waxay ahayd uun magacaabista Captain ku talaabo qawda maqashii waxna ha u qaban ah oo lagu aamusiinaayay qayla dhaanta kasoo yeedhaysa dhulkaa iyo tacadiga lagu hayo Ogaden. Wax allaale wax awood ah oo uu lahaana may jirin oo uu wax kaga qabanaayay. Wuxuu laakiin uruuriyay xusuus qor uu aabiii u diray isagoo muujinaaya sida uu uga xunyahay tacadiga lagu hayo Soomaalida Ogaden.

Kuma so koobi karno qormo kaliya xusuus qorkii Cobbold balse aan idinla wadaago qaybo ka mid ah qoraaladiisa iyo dhacdooyinkii uu usoo joogay.

1901 dii ayuu Cobbold raacay ciidan Gibir kasoo uruurinaaya Ogadenia, waxaanu qoray:

"May 28, ag-agaarka Tog Faafan, shalay taliyaha ciidanku wuxuu u diray ciidan fardoolay ah si ay uso bililiqaystaan degmada la yidhaa Sheikh Asha, maantay soo noqdeen iyagoo wata bililiqo. Nasiib wanaag laakiin beeshu way ka war heshayoo way la qaxeen intii badnayd geelii iyo xoolihii waxayse soo qaateen hadhuudhkii iyo dalagii iyo agabkii guryaha oo ay ka carareen iyo riyo iyo ido. Soomaalidu aad bay uga xumaadeen dhacdadan waxaanay ila tahay waa CEEB wayn ku ah Abbysinian ka.”

Wuxuu intaa raaciyay:
"Ciidankan Abbysinian ka uma kala duwana in qabiilada la dhacaayo hantidoodu yihiin qaar saaxiib ah iyo in kale”

"May 31 keeedii, (Shashabane), aniga oo la taagan turjumaankii Abbysinian ka ayuu amar bixiyay talihii ciidanku oo uu yidhi ‘qof kastaa waa cadowgeena, xataa markaynu dhimano kuwa u dhalan doonaa waa cadowgeena. Markaan maqlay hadalkan runtii wax lama filaan ah iguma noqonin. Waxaan arkay dhac, dil iyo boob hanti oo loo gaystay beelo deganaa 20 kilometre oo labada dhinac ee wadadii ay mareen ciidanka Abysinian ku dhankaa iyo dhankaaba.”

June 5 teedii, (warandad). "dhulka aanu maray waa dhul Illaahay qurux ku manaystay, waa ciid-madow cas oo u eeg Ruby ga oo lagu arko Harrar iyo halkan Ogaden oo dihin. Beero qodaal badan iyo beero la tabcaday baa ka muuqda, laakiin qof bini aadmi ah kumaanu arag aaga io ag-agaarka midna. Sidaan ku bartay waayo-aragnimadayda qadhaadh waa dhul looga qaxay cabsi laga qabo ciidankan Xabashida, waayo qofkii ku hadha waa la ogyay oo dil iyo tacadi naxariis daro ah buu kala kulmayaa Amxaarada.”

June 22 keedii, (Garlogubay), "waxay ku heesayaan [ciidanka xabashidu] heeso nac, colaad, dil, hurgumo iyo cadaawad ah, waxay lulayaan trophies ama shayo ay ka soo furteen Ogaden ay hore u laayeen maydkooda. 
Akhas kuwani xumaa maxaa nac ka buuxa! Umad aan hub ay wax iskaga celiyaan haysan oo masaakiin ah bay dilkooda, dhacooda iyo dhibtooda ku faanayaan. Aabo, Waxaan mar walba ka fikiraa qoryahan ama rifles kan ay dadka ku laynayaan yaa siiyay? saw dawladeena maaha? H.M. Government?
Malaa dawladaydii halkan iisoo dirtay may jeclaysateen in indhahaygu arkaan xasuuqa iyo cadowtinimada intan leeg iyo dhiiga qubanaaya ee dadkan masaakiinta ah.”

Ayuu ku qoray Captain R. B. Cobbold xusuus qorkiisa, isagoo ku hal qabsanaaya aabihii, kana xun shaqada Dawlada Ingiriisku u dirsatay ee ah orod oo kormeere ama indho indheeye ka noqo sida Somalida loo karbaashaayo, oo waakan is waydiinaaya saw dawladayda maaha tan hubkan wax lagu xasuuqaayo siisay Abbysinian ka dhulkoodiina ku wareejisay cadowgoodii. Captain Cobbold waxaa ku dhacday wax la yidhaa Crisis of conscience, sida ka muuqan doonta qaybaha kale ee xusuus qorkiisana wuxuu aad uga diyad jabayaa damiirkiisu diidayaa siyaasada dawladiisa Ingiriis ee indhihiisa tustay xasuuq lagu samaynaayo dad aan waxba galabsan.

……la soco qayta kale ee xusuus qorkii Cobbold iyo sida uu ugu diirsaday markuu arkay Soomaali oo wax iska celisay iyo hadal cajiib ah oo uu yidhi.

Please like and share if you find it interesting

Yassin Ismail


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured