Magacyada Qaar kamid ah Guddida Doorashooyinka Cusub ee Madaxweynaha iyo Loollanka Xubinta Wadani....

0
Sunday October 06, 2019 - 23:59:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada Qaar kamid ah Guddida Doorashooyinka Cusub ee Madaxweynaha iyo Loollanka Xubinta Wadani....

    Magacyada Qaar kamid ah Guddida Doorashooyinka Cusub ee Madaxweynaha iyo Loollanka Xubinta Wadani....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magacyada Qaar kamid ah Guddida Doorashooyinka Cusub ee Madaxweynaha iyo Loollanka Xubinta Wadani....
Hargeysa(Xogreebnews)-Ilo wareedyo ku dhow-dhow aqalka Madaxtooyada Somaliland,  ayaa sheegay inuu Madaxweyne Muuse Biixi diyaariyey, isla markaana magacaabay sadexdii xubnood ee guddida doorashooyinka ee xaqa u lahaa.
Sadexda xubnood ee u magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi, oo laba Kamid ah,  magacyadooda ay heshay shabakada Wararka ee Xogreebnews.com, ayaa lagu Kala sheegay inay Kala yihiin, Marwo Kaltuun oo hore uga tirsanayd Guddidii muranka badan dhalisay ee doorashada ee hada La bedelaayo,
Halka wararka shabakadu heshay ay xubinta labaad ku sheegeen inuu Madaxweynuhu u magacaabay Siyaasi Cabdirashiid Riyo-raac oo Kamid ah Siyaasiyiinta Xisbiyada ku wareega, isagoo Xukuumadii hore u magacawday wasiiru, -dawle xanaanada xoolaha.
Wararku may sheegin xubinta sadexaad magaceeda iyo deeganka ay kasoo jeedo.
Geesta kale, Golaha guurtida ayaa Madaxweynaha u gudbiyey labadii xubnood ee ay magacaabeen,  sidoo kale waxa iyagguna gudbiyey xubintoodii xisbiga Ucid, Halka xubintii Xisbiga Wadani aanu isna gudbin, waxanay wararku sheegeen in loollano adag oo loogu jiro buuxinta jagadaas uu ka dhex socdo xisbiga Waddani,  shaqsiyaadka la magac dhebay ee tartankaa ugu cadcad, waxa Kamid Ciise Xamari oo ahaa Gudoomiyihii hore ee gudiidii doorashadii 2010-kii qabtay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured