Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Balan-qaaday inay Xukuumaddu Dib-u-dhis iyo Dayactir ku Samaynayso Noobiyada Marin-biyoodka Babul-mandab ee Jasiirada Ceebad…

0
Sunday October 13, 2019 - 18:49:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Balan-qaaday inay Xukuumaddu Dib-u-dhis iyo Dayactir ku Samaynayso Noobiyada Marin-biyoodka Babul-mandab ee Jasiirada Ceebad…

    Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Balan-qaaday inay Xukuumaddu Dib-u-dhis iyo Dayactir ku Samaynayso Noobiyada Marin-biyoodka Babul-mandab ee Jasiirada Ceebad…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Balan-qaaday inay Xukuumaddu Dib-u-dhis iyo Dayactir ku Samaynayso Noobiyada Marin-biyoodka Babul-mandab ee Jasiirada Ceebad…

Sacaada-diin(Xogreebnews)- Wajigii labaad ee safarka Xeebaha Galbeed ee Somaliland oo galay maalintiisii labaad,ayey waftigii uu hoggaaminayey Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilahi iyo Taliyaha Ilaalada Xeebaha sareeye gaas Maxamed Cismaan Xiirane, waxay kormeer shaqo ku tageen jasiiradaha Sacaada-diin iyo Cebaad, kuwaasoo ah goobaha Dalxiiska ku wanaagsan ee ku yaala Somaliland.

Waftiga ayaa markii ay ka tageen Jasiirada Sacada-diin waxay gaadheen Jasiirada kale ee Cebaad oo ay ku taalo Noobiyada taarikhiga ah ee ay soo eegtaan Maraakibta mara-marin Biyoodka babul-mandab, isla markaana marka ay kasoo dhaqaaqan Maraakibtu ay soo eegtaan Noobiyadan. Noobiyadan oo ay samaysay dawladii Cismaaniyiintii, ayaan shaqayn mudo ku siman 30-sanadood.

Hase-yeeshee waftigan uu hoggaaminayey Maareeyaha Dekedaha Somaliland iyo Taliyaha ilaalada Xeebuhu markii ay gaadheen Noobiyada waxay halkaa Warbixino kaga dhagaysteen masuul kala duwan oo u kamid yahay Maareeyaha Dekeda Saylac iyo badhasaabku waxayna sheegeen in baahi-weyn qaranka Somaliland u qabo in la dhiso Noobiyada isla markana dayac-tir lagu sammeeeyo. Maareeyaha Dekeda Saylac Siyaad Daahir oo Faahfaain ka siinnayey Maareeyaha Dekedaha Somaliland maraaxilkii ay soo martay iyo weliba baahida loo qabo in la dhiso Noobiyada ay see eegtaan Maarakiibta mara marin-biyoodka Baabul-mandab, isaggoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi Maareeyuhu. "Somaliland waxa ku yaala 8 Jasiiradood, 7 kamid ahi, waxay dhacaan dhinacan galbeedka ee Saylac, 1 ayaa ku taala bariga Somaliland gaar ahaan Sanaag, wafti ahaan waxanu hadda idinku soo dhoweynaynaa Jasiirada Ceebad, waxa ku yaala noobiyada taarikhiga ah ee ay soo eegtaan maraakiibta mara babul-mandab, qalcadan waxa la dhisay in ka badan 200 sanno ka hor, oo ay dhistay dawladii cismaaniyiintii, sida daraadeed waxa maareeye loo baahan yahay dacaytir in dhisme lagu sameeyo”. Ayuu yidhi Maareeyaha Saylac.

Geesta kale, waxa halkaa isna ka hadlay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, kaasoo sheegay inay dhisayaan qalcadan Noobiyada, isaggoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi, "waxanu Gudanaynaa waajibaadkayagii aanu qaranka u haynay, Noobiyadani waa muhiim, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Saylac, waxanay Noobiyadani xidhiidhisaa maraakibta mara Marinka Baabul-mandab, waxana mara in ka badan 35000, oo markab, waana kuwa aan rabno inaynu la macaamilno oo soo jiidanno, waxanan Maanta halkan ka balan-qaadaya in aanu dhisayno Noobiyadan, sida ugu dhakhsaha badanaa waanu ka shaqaysinaynaa, anigoo ka dhigaynaa mid casriya oo leh Laydhkii iyo dibu-habayn”.

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: sky, outdoor and natureImage may contain: 3 people, including Said Hassan, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, standing, sky and outdoorImage may contain: 3 people, including Said Hassan, people smiling, ocean, sky, outdoor, water and nature


Image may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: sky and outdoorImage may contain: ocean, sky, outdoor, nature and water


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured