Waa Sidee Cilaqaadka Diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo Jabuuti?.

0
Saturday November 02, 2019 - 02:23:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Sidee Cilaqaadka Diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo Jabuuti?.

    "Sinnaanta Safarada Somaliland iyo dhigooda ku sugan Jabuuti, Fudaydinta isu-socodka labada dadweyne, Meeqaamka Soo dhoweynta Waftiyada S/land oo ay Jabuuti ku qaabisho V.I.P iyo Waxqabadka Mugga leh ee uu ku Tallaabsaday Safiirka Somaliland u f

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sinnaanta Safarada Somaliland iyo dhigooda ku sugan Jabuuti, Fudaydinta isu-socodka labada dadweyne, Meeqaamka Soo dhoweynta Waftiyada S/land oo ay Jabuuti ku qaabisho V.I.P iyo Waxqabadka Mugga leh ee uu ku Tallaabsaday Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Amb. Cabdifatax Siciid Axmed" Warbixin. Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur.

"Sinnaanta Safarada Somaliland iyo dhigooda ku sugan Jabuuti, Fudaydinta isu-socodka labada dadweyne, Meeqaamka Soo dhoweynta Waftiyada S/land oo ay Jabuuti ku qaabisho V.I.P iyo Waxqabadka Mugga leh ee uu ku Tallaabsaday Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Amb. Cabdifatax Siciid Axmed”.

Waxaynu Qormadeenan Maanta Kusoo qaadan doonaa Waxqabad mug leh iyo Guulo diblumaasiyadeed oo ay gaadhay Safaarada Somaliland ku leedahay dalka Jabuuti, oo labadii sannadood ee u dambeeyey samaysay isbedel gaan-qaadhnimo ah, iyadoo uu kor-u-kacay heerkii Diblumaasiyadeed ee Somaliland ku dhex lahayd dalka Jabuuti, isla markaana Safarada Somaliland la siman tahay Safaaradaha kale ee Wadamada aqoonsiga haysta, ku leeyihiin Wadanka Jamhuuriyada Jabuuti.

Dedaalada iyo tis-qaadka Diblumaasiyadeed ee Somaliland uga soo kordhay Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa ku suntan Safiirka Somaliland u fadhiya dalkaas Amb. Cabdifatax Siciid Axmed iyo labada Madaxweyne ee labada Dal Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Ismaacil Cumar Geelle, oo la yimmi cilaaqaad toosa oo diblumaasiyadeed.

Isbedelada Siyaasadeed ee Geeska iyo firfircoonida Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, waxay Safaarada gaadhsiisay inay la meeqaam noqoto, saafaradaha kale ee dhigeeda ah, iyaddoo loola macaamilo qaab isku derejo ah, oo aan kala hooseyn, sidii hore u jiri-jirtay, waxana waxqabadkaa la yimmi Safiirka.

Tusaale ahaan Gaadhiga uu wato Safiirka Somaliland ee Jabuuti, waxa ku dhejisan, Taarikada Baaburta Safiirada Igad, waana dedaal ay ku majiirtaan dadka sida dhow ula socda horumarka iyo tisqaadka Safaarada Somaliland ee dalka Jabuuti, inuu la yimmi safiir Cabdifatax Siciid Axmed

Sidoo kale Safiir Cabdifatax waxa uu fudaydiyey, isla markaana uu dedaal iyo juhdi geliyey isu-socodka labada dal, oo xilliyadii hore ay bulshada Somaliland caqabado kala kulmi jireen, gaar ahaan Gaadiidka iyo qaybaha bulshada iyo weliba ganacsatada labada dal, waxanay talaabadaasi noqotay mid si weyn loogu majiirtay Safiirka oo ka shaqeeyey iyo Xukuumadaha labada dal, oo hagaajiyey cilaaqadkoodii.

Geesta kale, waxa uu Safiirku Dayac-tir iyo qalabayn dhamaystiran ku sameeyey xafiisyada Safaarada Somaliland ee fadhigeedu yahay Magaalada Jabuuti, iyadoo la kordhiyey tirada xafiisyada iyo shaqaalaha, isla markaana qalab cusub oo ilaa heer diblumaasiyadeed ah, lagu soo kordhiyey Safaarada Somaliland ee dalka Jamhuuriyada Jambuuti.

Waxa kaloo, xusid mudan oo tilmaamaya kor-u-kaca qiimaha diblumaasiyadeed ee Somaliland ku leedahay dalka jabuuti, mudadii uu safiirka ahaa Amb. Cabdifatax Siciid Axmed in Shir kastoo lagu qabanaayo dalka jabuuti lagu soo casuumo Somaliland, isla markaana safiirka la gaadhsiiyo meeqaam lamid ah, ka safiiradaha shirarka ka qaybgalaya ee ka socda wadamada Africa iyo kuwa kale Yurub, waana guul usoo hoyatay Siyaasada arrimaha dibada ee Somaliland iyo shacabka aqoonsi raadiska ah ee reer Somaliland, waxana dedaalka ku suntan Safiirka iyo labada Madaxweyne ee labada Wadan oo ku kaalmeeyey Safiirka, guulahan Tarikhiga ah.

Teeda kale, waxa uu Safiir Cabditafax ku guuleystay inuu hirgeliyo, isla markaana kor-u-qaado meeqaamka diblumaasiyadeed ee lagu soo dhoweynaayo, marka Wafti reer Somaliland ahi, dalkaas safar ku tagaan, haday tahay heer Madaxweyne, Wasiiro, Janaano iyo weliba Masuul haya Xil kastoo muhiima in ay soo dhoweeyaan masuulo kaloo u dhigma xilalka ay hayaan kuwa Somaliland, oo kamid ah Xukuumada Jamhuuriyada Jabuuti, waxana mudadii uu Safiir Cabdifatax joogay Safaarada uu ku guuleystay in waftiyada Somaliland in lagu casuumo qolalka Madaarka Jabuuti ee sida gaarka ah loogu furo waftiyada caalamka ee qaybta V.I.P-da loo yaqaano, oo lagu nasiyo wafti kastoo ka socda Somaliland.

Sidaas daraadeed Safiirku waxa uu qaranka Somaliland usoo hooyey guulo diblumaasiyadeed oo waaweyn, kuwasoo dhamaantood sharaf u ah qaranka Somaliland iyo shacabkiisa, waxana si gaar ah, ugu amaanan tis-qaadka ay Safaaradu samaysay madaxweynayaasha labada wadan, iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Amb. Cabdifatax.

Warbixintan waxa idiin diyaariyey Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur oo ka tirsan shabakada Warar ee Xogreebnews.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured