Ururka Vosomwo oo Baaq Culus ku Socod-siiyey Madaxweynaha, labada gole iyo Sadexd Xisbi, si Weyn ugala Garnaqsaday Saami-qaybsiga Beelaha Gabooye ee Waxba kaga qaban la'yahay... War saxaafadeed.

0
Wednesday November 06, 2019 - 19:03:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Vosomwo oo Baaq Culus ku Socod-siiyey Madaxweynaha, labada gole iyo Sadexd Xisbi, si Weyn ugala Garnaqsaday Saami-qaybsiga Beelaha Gabooye ee Waxba kaga qaban la'yahay... War saxaafadeed.

    Ururka Vosomwo oo Baaq Culus ku Socod-siiyey Madaxweynaha, labada gole iyo Sadexd Xisbi, si Weyn ugala Garnaqsaday Saami-qaybsiga Beelaha Gabooye ee Waxba kaga qaban la'yahay... War saxaafadeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Vosomwo oo Baaq Culus ku Socod-siiyey Madaxweynaha, labada gole iyo Sadexd Xisbi, si Weyn ugala Garnaqsaday Saami-qaybsiga Beelaha Gabooye ee Waxba kaga qaban la'yahay... War saxaafadeed.
Vosomwo Minority Minority: BEELAHA DHAAQAKU NAFEEYAY XAQ BAY U LEEYIHIIN KA QAYBGALKA SIYAASADDA IYO HOGAANKA DALKA?
Ururka Codka Haweenka Beelaha dhaqanku nafeeyay ee loo yaqaan - (VOSOMWO), The Voice of Somaliland Minority Women Organization” Waxa lagu aasaasay Hargeysa sanadkii 2004. Waana urur horumarineed oo waddani ah, sharciyaysan oo ay aasaaseen hablo muwaadiniin ah oo ka soo jeeda beelaha dhaqanku naafeeyay, ku waasoo iskood isu abaabulay, una kacay si ay ugu adeegaan hurumarinta iyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay. Ururku muddada uu jiray wuxuu adeegyo horumarineed oo badan ayuu hore ugu fidiyay bulshada uu u adeego, runtiina guulo wax-ku-ool ah ayuu ka gaadhay dadaalkiisa, waxaannu khibrad iyo waayo-aragnimo dheer u leeyahay kuna sameeyay daraasado cilmi ah dhibaatada takoorka, tacadiga xuquuqal-insaanka, waayaha iyo duruufaha qallafsan ee ku xeeran nolosha dadka ka soo jeeda beelaha dhaqanku nafeeyaya ee kal ah (Muuse-dhariyo, Madhiban ,Yibraha iyo Tumaalaha) ee ku nool dalka Somaliland.


Beelaha dhaqanku nafeeyay , waxay xaq u leeyihiin in ay ka mid ahaadaan kana qaybgalaan samaynta iyo hirgelinta siyaasadaha horumarinta dalkooda iyo dhismaha xukuumadda ee markastaba dalka ka jirta, marka loo eego xuquuuqda sinaanta dadka ee diinteenna wanaagsan ee islaamka ahi ina farayso, xerraraka dalka ee la jaan qaadaya dimoqraadiyadda iyo xeerarka caalamaiga ah ee xuquuqda aadamaha ayaa waxaa lagama maarmaan ah in xuquuqda beelaha dhaqanku nafeeyay Somaliland ku nooli ay la jaanqaaaddo geedi socodka horumarka iyo daryeelka xuquuqda muwaadininta. Dadaalka ay beelaha dhaqanku nafeeyay ugu jiraan gaadhitaanka inay dhinac walba ula sinaadaan bulshowaynta Somaliland ee ay ka mid ka yihiin oo ay ula wadaagaan dimoqraadiyadda horumarka iyo xuquuqda guud ahaaneed waxaa fure u ah ka qaybgalka siyaaysadda iyo talada dalkooda. Sidaa darteed waxaan u soo jeedinaynaa xisbiyada siyaasiga ah ee dalku in ay u arkaan waxa lagama maarmaan ah inay beelaha dhaqanku nafeeyay ay ku jiraan talada dalka oo u oggolaadaan codad iyagu ka tirsan oo qeexa arrimaha iyaga gaarka u ah, xalna loogu helo, taasoo noqonaysa dimuqraadiyadda wada-tashiga ku dhisan ee laga wada qayb qaadanaayo.

Haddaba, waxaan ka filaynaa xisbiyada qaranka inay si buuxda u hirgelyaan nidaamka ama fikradaha samaynta nidaam khaas ama tiro kuraasa oo cayiman (Quota), marnaba ma aha fadiilo ama asxaan gaara oo loo fidinayo beelaha la dhaqanku nafeeyay ama laga tirada badan yahay, ee waa ku meelayntooda dhabta ah inay helaan xuquuq la mida kuwa ay haystaan beelaha tirada badan ee ay dalka wada wadaagaan. Caam ahaan, nidaamkaas khaaska ah ee (Quota) ama kuraasta cayiman ee iyagoo keliya ku tartamayaan, wuxuu wax ka tarayaa ku soo milmidda beelaha la dhaqanku nafeeyay ee bulshada inteeda kale, wuxuuna aayitiin fiican oo mustaqbaleed siinayaa beelaha dhaqanku nafeeyay, marka ay ku dhex jiraan ama qayb ka yihiin hawlqabadyada qaran ee siyaasadeed iyo kuwo bulsheed. Waxay qaybtooda ka helayaan nidaamka xukuumadeed, waxayna awood u helayaan inay wax ku biiriyaan sharci-samaynta, waxayna door weyn ka qaadayaan maamulka dalka. marka dib loo yara milicsado doorashooyinkii dalka hore uga dhacay iyo halka ama raadka ay ku yeesheen beelaha dhaqanku nafeeyay , taasi oo bilaw u ah Halganka ama dadaalka ay bilaabeen beelaha dhaqanku nafeeyay iyagoo ah muwaadiniin Somaliland asal ah in takoor iyo tiro yaraan ku waayeen xuquuqdoodii ka qaybgalka horumarka, talada iyo siyaasadda dalka maaha wax la aqbali karaayo Hadaba haddii ay ku soo bixi waayeen doorashooyinkii dalka hore uga dhacay ee deegaanka iyo baarlamaanka taasi ma in aanay xubno gole deegaan iyo mid baarlamaan midnaba waxba ku yeelan ayay xukumaysaa, waxaa lagama maarmaan ah beelaha dhaqanku nafeeeyay si ay uga qayb-galaan golayaasha lagu go’aamiyo arrimaha saameeya noloshooda.si xuquuda dadka oo dhan mid yar iyo mid badan dhamaan dalka ku wada nool loo sino in la raadiyo hab kale oo shuruucda dalka dib loogu eegayo si loogu sameeyo dariiq sharciga waafaqsan oo ay kaga qaybgalaan golayaasha lagu qorshaynayo siyaasadda khusaynaysa baahidooda iyo noloshooda isla markaas siinaya fursad ay waxtarkooda ku yeeshaan horumaka bulshada iyo xuquuqda dadka ka soo jeeda beelaha dhaqanku nafeeyay ee ku nool Somaliland.
Maqaalkani oo ku jeeda xisbiyada Qaranka golayaasha sharci dejinta iyo xukuumadda Somaliland iyo dhamaan dadwaynha waxaannu u soo jeedinaynaa dhamaantood in la bedelo habdhaqanka bulsho ama siyaaysadeed ee dhiiri-galinaya xaqiradda iyo iska-nebcaanta ku wajahan ama loo qaado beelaha dhaqanku nafeeyay ka mid ah muwaadininta Somaliland laguna taageero ka qayb-galka siyaasadda iyo talalda dalkooda si ay uga qayb qaataan horumarka iyo wax soo saarka isla markaas looga faa’iidaysto si quman xirfadaha iyo wax-garadnimada beelaha dhaqanku nafeeyay iyo kartidooda guud, taasoo wax weyn ku biirin karta wanaagga iyo horumarka guud ee qarannimadeena. 
– VOSOMWO Hargeisa 
La sooco maqaalka dambe


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured