"Xaaladu Way Kacsan tahay, Talada u Badan ee Socotaana Waa In Shirka Laga soo saaro, Go'aan lagaga Guurayo, Maamulka Punland, Halkaa loo guuraya ka Hordhici Maayo..." boqor Cabdikariin boqor Cali Garaad

0
Saturday November 09, 2019 - 20:52:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xaaladu Way Kacsan tahay, Talada u Badan ee Socotaana Waa In Shirka Laga soo saaro, Go'aan lagaga Guurayo, Maamulka Punland, Halkaa loo guuraya ka Hordhici Maayo..." boqor Cabdikariin boqor Cali Garaad

    "Xaaladu Way Kacsan tahay, Talada u Badan ee Socotaana Waa In Shirka Laga soo saaro, Go'aan lagaga Guurayo, Maamulka Punland, Halkaa loo guuraya ka Hordhici Maayo..." boqor Cabdikariin boqor Cali Garaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xaaladu Way Kacsan tahay, Talada u Badan ee Socotaana Waa In Shirka Laga soo saaro, Go'aan lagaga Guurayo, Maamulka Punland, Halkaa loo guuraya ka Hordhici Maayo..." boqor Cabdikariin boqor Cali Garaad
Badhan (Xogreebnews)-boqor Cabdikariin boqor Cali Garaad oo Shaaca Ka Qaaday in Bulshada bariga Sanaag, ay ka Guurayaan maamulka Punland, kana Hadlay xaaladaha Siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday.
boqor Cabdikariin boqor Cali oo ku sugan Magaalada Badhan, ee barigaSanaag, sidoo kale sheegay in Beelaha Warsangeli Shir uga socdo halkaa, madax-dhaqameedka iyo aqoonyahanka Beeshaas.
boqorka oo Khadka Telephone ka ugu waramay, Wariye Sagax, oo ah Suxufi Madaxbaanan, ayaa ugu horayn wax ka waydiiyey, Mudaharaadadii iyo xaaladihii u daambeeyey ee deegaanadaas, iyo weliba Isbedelka ka dhacay hoggaanka Baarlamaanka Punland
boqorka oo Arrimaha ka Hadlaya waxa uu yidhi, Xaalada bariga Sanaag way kacsan tahay, shacabkuna way gadoodsan yihiin, Shirbaana nooga socda Badhan hada, kaasoo aanu kaaga tashanayno, Masiirka iyo ayaaba beriga Sanaag. waxana kasoo bixi doona Shirkayaga Go'aano lagaga Guurayo maamul-goboleedka Punland iyo halkii looga guuri lahaa".
Mar la waydiiyey Boqorka halka looga Guurayo, Maamulka Punland bariga Sanaag inay tahay Somaliland iyo meel kale, waxa uu ku Jawaabay.
"Ka Hordhici Maayo, intaa Shirku socdo, halkaa loo Guurayo, balse waxaan kuu Sheegayaa, talada ugu badan ee hada socotaa, Waa in laga guuro Maamulka Punland, oo beryahan lasoo baxay Arrimo Siyaasadeed oo ugub ku ah, bariga Sanaag. waxana la gaadhay Xiligiii laga tashan lahaa, Maamulka Punland".




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured