Isfaham dhexmaray Dekeda Berbera iyo Dekeda Rotterdam oo ah ta-ugu Weyn Dekedaha Yurub, Maareeyaha oo ka dalbaday qalabeyn iyo Aqoon-korodhsi shaqaalaha loogu Sameeyo…

0
Sunday November 17, 2019 - 01:22:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2051
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isfaham dhexmaray Dekeda Berbera iyo Dekeda Rotterdam oo ah ta-ugu Weyn Dekedaha Yurub, Maareeyaha oo ka dalbaday qalabeyn iyo Aqoon-korodhsi shaqaalaha loogu Sameeyo…

    Wafti kaloo ka socda Dawlada Ingiriiska oo booqday dekeda iyo Magaalada Berbera,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafti kaloo ka socda Dawlada Ingiriiska oo booqday dekeda iyo Magaalada Berbera,,,

Berbera(Xogreebnews)- Wafti Balaadhan oo ka socda Dalka Holland, gaar ahaan Safaarada u fadhida Nairobi, ayaa booqasho ku yimmi Dekeda caalamiga ah ee Berbera waxana halkaa kusoo dhoweeyey Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamahuuriyada Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, kaasoo kusoo wareejiyey qaybaha dekeddu ka kooban tahay, isla markaana u bandhigay baahiyaha ay qabto dekedu si ay uga caawiyan, maadaama oo ay waftiga xubno ka ahaayeen masuuliyiin ka socota Dekeda Caalamiga ah ee Rotterdam, oo ah Deked ugu weyn wadamada Yurub.

Waftiga ka socda Dalka Holland iyo Maamulka sare ee Dekeda Berbera ayaa is-faham ku dhexmaray gudaha dekeda Berbera, isfaham kasoo daaranaa xidhiidh dhexmara Dekeda Caalamiga ah ee Berbera iyo Dekeda ugu weyn ugu-na saxmada badan ee Dekedaha Yurub ee Europoort Rotterdam. Waxanu Maareeyaha Dekedu ka dalbaday inay ka caawiyaan dekeda Berbera qalab ahaan iyo aqoon ahaan, isla markaana shaqaale uu soo tabobaraan dekeda Berbera oo hada u guurtay mid caalamiya, waxa iyaguna geestooda ay balaan-qaadeen inay soo celinayaan xidhiidh waqti fog ka dhexeeyey Dekeda Berbera iyo Rotterdam, isla markaana ay dekeda usoo tabobari doonaan shaqaale, sidoo kalena ka caawin doonaan qalabyo iyo baahiyaha kale ay qabto, waxanu kulankaasi kusoo dhamaaday jawi degen iyo is afgaraad.

Geesta kale, waxa Dekeda Berbera booqasho ku tagay Wafti balaadhan oo ka socda dawlada Ingiriiska gaar ahaana Wasaarada arrimaha dibeda ee dalkaas, qaybta deeqaha caalamiga ah bixisa, kuwasoo iyagguna mudooyinkii u dambeeyey dawlada Somaliland kala shaqaynaayey horumarinta mashaariico kala duwan, sidoo kalena la filayo in ay ay Somaliland la bilaban mashaarico kale, sannaadka soo socda ee 2020-ka.

Waftiga ka socda dawlada Ingiriiska ayaa si weyn ugu bogay horumarka balaadhan ee dekeda Berbera ku talaabsatay sannooyinkii u dambeeyey, iyo koritaanka ay samaysay waxanay sheegeen in ay Dekedu tahay mid soo jiidanaysaa indhahooda, xagga nidaamka shaqo, qalabka yaala iyo weliba xaga nadaafada oo ay tahay goob nadiifa.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured