Shantii Madaxweyne ee somaliland Soo Maray Sadexdii SNM iyo Labadii Kale, Iyamaa Hoggaaminta ku Fiicnaa?. Qore. Zaki Cali Faarax.

0
Wednesday November 20, 2019 - 00:58:32 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Shantii Madaxweyne ee somaliland Soo Maray Sadexdii SNM iyo Labadii Kale, Iyamaa Hoggaaminta ku Fiicnaa?. Qore. Zaki Cali Faarax.

    Shantii Madaxweyne ee somaliland Soo Maray Sadexdii SNM iyo Labadii Kale, Iyamaa Hoggaaminta ku Fiicnaa?. Qore. Zaki Cali Faarax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shantii Madaxweyne ee somaliland Soo Maray Sadexdii SNM iyo Labadii Kale, Iyamaa Hoggaaminta ku Fiicnaa?. Qore. Zaki Cali Faarax.
Somaliland mudadaas ay madaxbanaanideeda la soo noqotay waxaa soo maray Shan madaxweyne , craxmaan Axmed Cali, M.I. Cigaal, Daahir Rayaale, Siilaanyo, & Muuse Biixi, shantaas Madaxweyne Sadex ka Mid ahi waxay ku abtirsanayeen SNM, labana waxay ahayeen Siyaasiyiin kale ,haddaba Maadaama Bulshada Somaliland Sadex goor gacanta u geliyeen raggii soo halgamay saw sax maaha in la yiraahdo bulshadu way u mahad celiyeen SNM, balse waxaa Nasiib daro ah waqtiyada ay Somaliland tisqaaday qaran ahaan iyo Maamul ahaanba ay tahay waqtiyadii ay hogaaminayeen Labada Madaxweyne ee aan SNM kasoo jeedin  M,I. CIGAAL IYO Daahir rayaale kaahin, sidoo kale  waqtiyada ay Somalilnd wajahday dubu dhac, dagaalo, burbur & hoos dhac maamul waa xilliyada ay hogaanka hayaan raggii laga filaayey inay lexejeclo badan wadanka u hayaan oo ay naftooda u soo hureen, ujeedadaydu maaha SNM ayaa xun laakiin waxaan ku sababaynayaa inay ahaayeen ragg halganka & dagaalada qiimo ku lahaa kuna guulaystay laakiin Maamulka & hogaaminta dawladeed ku liita.
Haddaba maanta oo ay muuqato ismari waa iyo qalalase siyaasadeed oo wadanku galay ayaan jeclaystay inaan maqaalkaygan Madaxweynaha Dalka Muuse Biixi aan talo hogo tusaalayna halkan ugu soo jeediyo, 
Madaxweyne Waxaa ku Saaran laba haybadood oo waaweyn oo kala ah
1. inaad tahay maanta Madaxweyne karaamadii qaranka huwan
2. Inaad huwan tahay karaamadii halganka oo ay tahay inuu maamulkaagu ka turjumo wixii naf iyo Maal badan loo waayey.
Kolkad halkaa taagan tahay lagaama filayn, cariigsi, Wax iska celin Saacad walba taagan, lagaama filayn inaad maanta ina riyo- raac oo Sharciga lagugu dhaariyey reebay uu kala miisaan weynaado masiirkii iyo qyamkii umadu lahayd, lagama filayn inaad isla soo taagto kuwodii maan fara-gelin, waxay ahayd inaad garato inaad kuwoodana eegto kii sharcigu ogolayn celiso ,kuwaagana ka saarto kuwii sharciga baal marsan, oo aad u gudbiso Baarlamaanka wax  waafaqsan sharcigii aad gacanta ku haysay,
May ahayn inaad tidhaahdo laba  isbaaro ayey  gudbeen, waxan ku soo koobayaa Madaxweyne waxa laga rabaa inaad ku sifowdo Madaxweyne qaran oo halgan dheer u soo galay sidii wadankani uga xoroobi lahaa wax kasta oo lidi ku ah qaranimadooda  wabilaahi tawfiiq.
Zaki Cali Faarax.
Bristol .uk.
Saki122@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured