Muxuu Salka ku Haysaa Xulashada Madaxweyne Muuse Biixi ee Siyaasi Siciid Sulub?. Gorfeynta Shabakada Xogreebnews

0
Monday December 02, 2019 - 03:09:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Salka ku Haysaa Xulashada Madaxweyne Muuse Biixi ee Siyaasi Siciid Sulub?. Gorfeynta Shabakada Xogreebnews

    Hargeysa(Xogreebnews)-Magacaabista Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu u magacaabay Xilka Wasiirnimo ee Shilis, Siyaasi Siciid Sulub, oo isagu ku abtirsada Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa dadka siyaasada odorasaa la xidhiidhiyeen Laba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-Magacaabista Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu u magacaabay Xilka Wasiirnimo ee Shilis, Siyaasi Siciid Sulub, oo isagu ku abtirsada Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa dadka siyaasada odorasaa la xidhiidhiyeen Laba arimood midkood.

Hargeysa(Xogreebnews)-Magacaabista Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu u magacaabay Xilka Wasiirnimo ee Shilis, Siyaasi Siciid Sulub, oo isagu ku abtirsada Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa dadka siyaasada odorasaa la xidhiidhiyeen Laba arimood midkood.

Waxana dadka qaarkii u sibir-saareen, in madaxweynuhuu ku xushay Siyaasi Siciid Sulub inuu ka dejiyo mucaaridada adag iyo kala fogaanshaha siyaasadeed ee ka dhex taagan deegaanada ugu badan ee laga taageero Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadaani, iyo sidoo kale inuu isu-soo dhowaansho ka dhex abuuro deegaano badan, oo cunfigii doorashadu fogeeyey.

Geesta kale, dadka qaarna waxay qabaan in xulashada madaxweynaha ee siciid sulub salka ku hayso, hindise siyaasadeed oo aan hada muuqan, kaasoo sida la saadaalinayo madaxweynuhuu damacsan yahay in madaxweynuhuu dib u furo Ururadii siyaasada, kadibna siduu hore u dhacday uu kusoo saaro ururo siyaasadeed oo cusub, kuwasoo bedela kuwa hada jira, kuwasoo sida uu qabo aan khatar ahayn mustaqbalkiisa siyaasadeed, hase-yeeshee dhanka kale marka laga eegana ku wiiqayo cududii meel keliya mari lahayd, sida kuwa hada jira, ee UCID iyo WADDANI, oo marka si loo eego, isku deegaana, isla markaana qaybsanaya Codad hadii ay middeysmaan halis ku ah.

Arinkaa oo hadii riyadiisu u rummowdo, isla markaana uu madaxweynuhuu dib u habayn ku sameeyo xisbiga ay hagbada ku yihiin dhinacyada ku bahoobay siyaasada la magac baxday Jeegaaanta, u noqon kartaa Cimri dheerer iyo jaanis kaloo uu hoggaaminta ku sii xejisto Xisbiga Kulmiye.

Docda kale,waxa jira aragtiyo kuwaas ka duwan, oo tilmaamaya in madaxweynaha iyo Siyaasi Siciid Sulub, sinnaba isula jaan-qaadi Karin, marka loo eeego, min-qiyaaska aragtiyaha labada dhinac kala aamin-sanaayeen shaqsiyan midba kan kale ka aaminsanaa, kuwasoo sida laga soo xigtay Kaaderiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye Siciid Sulub kamid ahaa ashkhaasta uu ugu nebcaa Madaxweynuhu ilaa Xiligii Kulmiye Mucaaradka ahaa. Dhanka kale Siyaasi Siciid Sulub geestiisa waxa uu ka aaminsan yahay Madaxweynaha in qabyaalada uu ku dheereeya, oo Siyaasada aanu waxba ka aqoon, siday tibaaxeen ilo ka agdhow Siyaasi Sulub, sidaa marka loo eeggana uu isagga Siyaasada u daba fadhiisan doono, maadaama oo aaminsan yahay inuu ka khabiirsan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, waxay runtu kala cadaan doonta todobaadyada fooda inagu soo haya, ee jawiga Siyaasadu kala miir dilaaco, iyadoo la aaminsan yahay in inaanu madaxweynuhuu marna ka qaadan-doonin aragti Siyaasadeed oo mustaqbalkiisa lidku noqon karta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured