DAAWO:- Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Oo Amartay Diyaarinta Qodobada Xil ka-Qaadista Trump »

0
Thursday December 05, 2019 - 22:09:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO:- Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Oo Amartay Diyaarinta Qodobada Xil ka-Qaadista Trump »

    DAAWO:- Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Oo Amartay Diyaarinta Qodobada Xil ka-Qaadista Trump »

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DAAWO:- Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Oo Amartay Diyaarinta Qodobada Xil ka-Qaadista Trump »

Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa ku amartay hogaamiyayaasha xisbiga dimqoraadiga "inay guda galaan qodobada xil ka-xayuubinta” madaxweyne Trump, ayada oo shaaca ka qaaday "inuu ku xadgudubay awooddii xafiiskiisa.”

Pelosi ayaa sheegtay in madaxweyne Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, uu meel ku xooray hab-dhaqankii caadiga ahaa ee madaxweynenimo, kuna xadgudbay waajibkii uu ku dheertay ee ilaalinta dastuurka Mareykanka.

Waxay ku eedeysay inuu Ukraine weydiistay inay baaritaan ku sameyso mid ka mid ah musharaxiinta dimoqraadiga ee doonaya inay kula loolamaan doorashada 2020, kaasi oo ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, si taasi ay isaga uga caawiso inuu ka adkaado.



"Xaqiiqoyinka lama diidi karo,” ayey tiri Pelosi. "Madaxweynaha wuxuu ku xadgudbay awooddiisa, si danihiisa siyaasadeed ee shakhsiga ah uu uga hormariyo amnigii qaranka.”

Pelosi ayaa ku amartay Jerrold Nadler, oo ah guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda ee Aqalka Wakiilada, halkaasi oo arbacadii ay ka billaabatay dhageysiga xil ka-xayuubinta, iyo guddoonka dimoqraadiga inay diyaariyaan qodobada xil ka-xayuubinta.

Inkasta oo Pelosi aysan waqti qaban, haddana Aqalka Wakiilada ee ay maamulaan Dimoqraadiga ayaa u codeyn kara maamuus ka xayuubinta Trump ka hor ciidda kirismaska ee dhammaadka bishan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured