Halkee Ayuu Ka Yimi Hal-ku-dhegga Sarreynta Sharciga Ee Xisbiga Ku Galay Ololihii Doorashada Madaxtooyada Ee 2017ka?. Siciid Maxamuud Gahayr

0
Friday December 06, 2019 - 17:41:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkee Ayuu Ka Yimi Hal-ku-dhegga Sarreynta Sharciga Ee Xisbiga Ku Galay Ololihii Doorashada Madaxtooyada Ee 2017ka?. Siciid Maxamuud Gahayr

    Halkee Ayuu Ka Yimi Hal-ku-dhegga Sarreynta Sharciga Ee Xisbiga Ku Galay Ololihii Doorashada Madaxtooyada Ee 2017ka?. Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkee Ayuu Ka Yimi Hal-ku-dhegga Sarreynta Sharciga Ee Xisbiga Ku Galay Ololihii Doorashada Madaxtooyada Ee 2017ka?. Siciid Maxamuud Gahayr
Arooryadii Sooyaalku ku suntanaa 6dii Feberweri 2017ka ayaan u jarmaaday goobjognimada munaasibad mug leh oo Xisbiga KULMIYE ku soo dhawaynayay Garab-weynihii NEW UCID ee uu hoggaaminayay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen. Saaxiibbo qiimo badan oo KULMIYE ku biirayay ayaan sagootinayay. Waxa kale oo maalintaas Hargeysa ka soo degay Madaxweynihii Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo KULMIYE soo-dhaweyntiisa u haleeli waayay xafladda socotay. 


Sidoo kale waxa isla barqannimadaas Hargeysa ka dhoofay Dr Cali Khaliif Galaydh oo ahaa Madaxweynaha Khaatumo. Cali Khaliif waxa loo diiday in uu ka duulo madaarka Buuhoodle. Waxa lagu qabtay hoolka weyn ee Maansoor waxaana ka soo qaybgalay kumannaan iyo kumannaan qof. Waa halkii kowaad ee aan ku maqlay iyada oo bahweynta KULMIYE adeegsanayaan kelmadda ah "Sarreynta Sharciga”

Dadkii madashaas yimi waxa ka mid ahaa:
1. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland oo markaas ahaa Guddoomiyaha iyo Murashaxa Madaxweyne ee KULMIYE
2. Jamaal Cali Xuseen Murashaxii Hore ee Madaxweynaha UCID
3. Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo markaas ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Kowaad ee KULMIYE
4. Samsam Cabdi Aadan Wasiirkii Maaliyadda
5. Amina Sheekh Maxamed Jirde (Weris) Marwada Madaxweynihii Hore ee Somaliland
6. Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal, Marwadii Madaxweyne Cigaal (IHUN)
7. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) Wasiirkii Warfaafinta iyo Wacyigelinta
8. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Wasiirkii Xannaanada Xoolaha
9. Maxamed-Amiin Cumar Cabdi Maayarka Gebiley
10. Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin) Maayarka Berbera
11. Cali Maxamed Yuusuf (Gurey) Guddoomiye ku-xigeenkii 3aad ee UCID
12. Yuusuf Ibraahin Jaamac (Googgooye) Xoghayihii Guud ee UCID iyo xildhibaanno ka tirsan goleyaasha deegaanka Somaliland oo lix ahaa, marka lagu daro labada maayar ee aan xusay.

Haddii aan u laabto kelmadda sarreynta sharciga, dadkii madashaas ka hadlay ee badnaa waxa ka mid ahaa Yuusuf Ibraahin Jaamac (Googgooye) Xoghayihii Guud ee UCID, oo ka warramay sheekooyin uu kula kulmay dalka Ingiriiska. Muhiimaddoodu waxa ay ahayd sarreynta sharciga iyo adkaynta dawlada. Hadalka Yuusuf Ibraahin Jaamac (Googgooye) waxa ka mid ahaa "Annaga oo jaamacad joogna, waxa noo sheekeeyay aqoonyahan caddaan ah oo Ingiriiska u dhashay, waxa uu ka warramay dhismaha dawladnimada iyo wakhtiga ay ku qaadatay. 

Waxa uu sheegay inay ubadkooda uga tegayaan kala-dambyan, sharci iyo dhisme adag oo dawladnimo kaas oo la isku hallayn karo. Ninkaasi waxa uu sheegay inay dedaalkaas iyo hirgelintiisa u mareen jid dheer iyo halgan qaatay boqollaal sanno.

Waxa uu nagu yidhi
Waar hooy wiilashow 3dex arimood dawladd ayaa iska leh ee ogaada
1. Hub inay haysato dawlad ayaa leh, shicib lama wadaago
2. Jeel iyo xadhig dawlad baa leh, ee cidi lama wadaagto
3. Hanjaabaad iyo inay sanka ka hadasho oo medea soo fadhiisato oo sharciga ku hanjabto, dawlad baa leh ee shacab lama wadaago”. Waxa ay ahaayeen saddexdaas erey qaar uu Yuusuf madasha ka jeediyay oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka helay.

Yuusuf Googgooye oo khudbaddiisa ku dhex jira ayaa soo qaatay kelmado ay wiilasha Reer Yurub ugu faaneen dadka ka soo jeeda Afrika. Waxa uu yidhi "Markaas kaddib ayaannu dibadda ama bannaanka iyo meel wax laga cuno wada nimi arday ka soo jeeda Yurub ama Ingiriiska, waanay ii faaneen. Waxa ay yidhaahdeen "Waxa aanu ku nool nahay dal leh nidaam iyo kala dambayn buuxda. 

Laakiin idinku waxa aad ka timaaddeen Afrika oo aan lahayn xeer iyo dawladnimo la isku hallayn karo”. Runtii hadalkoodaas waan ka xumaaday, waxaanan xasuustay xaaladda guud ahaan Afirka ka jirta oo runtii ah wax jira. Si gaar ah waxa aan ugu damqaday dalkayga Somaliland”

Isaga oo Yuusuf Ibraahin Jaamac (Googgooye) si gaar ah ula hadlaya Md Muuse Biixi Cabdi oo ahaa Guddoomiyaha iyo Murashaxa Jagada Madaxweynennimo ee Xisbiga KULMIYE waxa uu yidhi "Guddoomiye adiga oo ah qofka ugu dhaw in uu Somaliland ka noqdo Madaxweyne doorashada soo socota, waxa aan kugula talinayaa in sharcigu sarreeyo, adiguna aad noqotid qofka ilaalinaya fulinta iyo sarraynta sharciga. 

Muhiim ma aha in dadka oo dhammi xilal iyo kuraasi helaan, waxa muhiim in sharcigu sarreeyo, oo cid kasta uu qabto, adiguna aad noqotid qofka hawshaas fulinaya”

Gebagebadii munaasibadda, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlay abbaaro/mawduucyo kala geddisan. Weedhihiisa waxa ka mid ahaa "Waan guddoomiyaha soo-dejinta Yuusuf ee sarreynta sharciga”. Halqabsiga Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee maalintaas uu ku hal-qabsaday Yuusuf Ibraahin Jaamac (Googgooye) waxa uu marag u ahaa sida madaxweynuhu ula dhacay hadalkaas. Markaas kaddib ayaan arkay iyada oo hal-ku-dheggaas lagu xardhay qoraallo kala geddisan oo KULMIYE ku galay ololihii doorasahda madaxweynaha ee 2017ka.

Hal-ku-dhegyada kale waxa ka mid ahaa:
1. Dooro hoggaamiye goaanqaadasho leh
2. Berri maanta ka fiican

Adigu sidee ayaad kelmaddaas ku maqashay?


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured