Ma Hantidii Qaranka ayey Guryo ka dhisanayaan Xubnaha Gudidda Qandaraasyaddu? Qormadii 2-aad

2
Saturday December 07, 2019 - 15:38:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Hantidii Qaranka ayey Guryo ka dhisanayaan Xubnaha Gudidda Qandaraasyaddu? Qormadii 2-aad

    Soomaalida ayaa ku maah maahda,"Abeeso dhul u eeki ayey kugu dishaa, wadaadna dad u eeki" immika qoladdan Guddida Qandaraasyaddu waxay bulshadda u muujinayaan inay yihiin daacad oo ay dhaarteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalida ayaa ku maah maahda,"Abeeso dhul u eeki ayey kugu dishaa, wadaadna dad u eeki" immika qoladdan Guddida Qandaraasyaddu waxay bulshadda u muujinayaan inay yihiin daacad oo ay dhaarteen.

Haddana wararka runta ah ee jiraa waxa weeyi inay dhisteen guryo mudadii yareyd ee ay xafiiska joogeen. Ileyn hore ayaa loo yidhi,"abuur iyo waanno abuur ayaa horeeyey” Shakhsiyaadka xubnaha ah sida Gudoomiyaha Guddida qandaraasyaddu waxa uu been cadaan ah, oo aan geedna loogu soo gaban u sheegaa dadka Sharaa’iga leh, ee moodaya in Meesha si cadaalad ah wax loogu qaybsado.

Soomaalida ayaa xikmado dhameeyey oo waxay yidhaahdeen,” Adhi been wuu didaa balse been ma dhutiyo”. Bal waayahaye, side loo aqbali karaa inay xubnaha Guddida Qandaraasyaddu ay guryo dhistaan mudadda yar ee ay joogeen xafiiska dawladda?Waxaa la yidhi, "laf timirbaa ku jirta”.

Xikmad ayaa tidhaahda, "Alloow aqoon xumo ha nagu cadaabin, eexna ha-nagaga tegin” Haddda, nimankan Guddida qandaraasyaddu waxay suuqa gashadeen inay yihiin guddidii ugu fiicneyd, ee abid soo marta Gandaraasyadda. Hadda—waa nimanka ummadda oo dhami wadda ogtahay waxay yihiin.

Hore ayaa loo yidhi, "Abbas-guul meel ma wadda joogo warna iskuma seeganna”.

 

Dhawaan waxaan umadda u soo bandhigi doonnaa sawiradda guryaha ay dhisteen iyo xoggo kale oo ku saabsan xubnaha Guddida Qandaraasyadda. Way mahadsan yihiin dadkii hore noogu soo diray macluumaadka, haddanna waxaanu codsanaynaa in cid kasta oo xog dheeraad ah ka haysa ay noo soo diraan.

Lasoco qaybaha 3-aad ee taxanaha ah.

Qallinkii: Maxamed Ibrahim

Email:maxamedibrahim5@gmail.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured