"Iswaafajintu Waa Qodob, Ee Xisaabta Halagu Daro". Bye Maxamed Aadan Gacayte

0
Wednesday December 18, 2019 - 02:11:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Iswaafajintu Waa Qodob, Ee Xisaabta Halagu Daro". Bye Maxamed Aadan Gacayte

    "Iswaafajintu Waa Qodob, Ee Xisaabta Halagu Daro". Bye Maxamed Aadan Gacayte

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Iswaafajintu Waa Qodob, Ee Xisaabta Halagu Daro". Bye Maxamed Aadan Gacayte
Ugu horayn waxa guulaystay Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, khilaafkuna waa sunaha nolosha balse waxaynu nahay umad khilaafkeeda iyadu dhamaysata. Waxaan bogaadinayaa Xisbi Xaakinka Kulmiye iyo Labada Xisbi Mucaarid (Ucid iyo Wadani) oo aqbalay Go'aankii ay shalay soo saareen Guddidii Dhexdhexaadintu.  

Soo jeedinta iyo Go,aanada Guddida Dhexdhexaadintu soo saartay waa in la waafajiyo sharciyada iyo xeerarka inoo degsan si loo suurtagaliyo dhamaystirka arinta oo Qaranka JSL guulwayn u ah. 


Bayd ka mid ah Maansadii Dabataxan ee Abwaan Gaariye IHN wuxuu odhanayaa:-

Nin dariiq xariiqdaa
Garan kara dayawdee 
Dhidarkii ku kacay danab 
Doc kastaaba waa u toos. 

Arintan waxay dhabada kusoo ridaysaa dariiqii doorashadu ku qabsoomi lahayd oo u mudo badan u deldelan khilaafka soo noqnoqday ee komishanka oo nuxurkiisu ahaa ijiid aan ku jiido oo gacmo daalis ah iyo ku jiqsii aan xikmad ku fadhiyin. Nasiib daro ka wayni ma jirto komishankii 2da sano uu bilaa sababta ku diidanaa Xisbiga Wadani inuu maanta yidhaa waan ogolahay, runtii Qaranka laf jab ayay ku tahay.

Hadaba; haatan iyo danta Qaranka waxaan leeyahay waar Qaranka haloo tudho danta qaranka wax walba halaga horaysiiyo oo xukuumad iyo xisbiyaba halaga wada shaqeeyo sidii qodoxda looga guri lahaa caqabadaha doorashada ku xeeran, arintana ha noqoto dhamaystirka qabyada doorashooyinka. 
Wabilahi tawfiiq 
Mohamed Gacayte 
Hargeysa/Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured