Siyaasi Maxamuud Xaashi, Baashe Morgan iyo Faysal Cali Waraabe oo Kulamo Qarsoodiya ku yeeshay Dubai iyo Wankii Ucid oo Maanta uu Adhaxda Tuujinayo…

1
Wednesday December 18, 2019 - 21:21:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Maxamuud Xaashi, Baashe Morgan iyo Faysal Cali Waraabe oo Kulamo Qarsoodiya ku yeeshay Dubai iyo Wankii Ucid oo Maanta uu Adhaxda Tuujinayo…

    Siyaasi Maxamuud Xaashi, Baashe Morgan iyo Faysal Cali Waraabe oo Kulamo Qarsoodiya ku yeeshay Dubai iyo Wankii Ucid oo Maanta uu Adhaxda Tuujinayo…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Maxamuud Xaashi, Baashe Morgan iyo Faysal Cali Waraabe oo Kulamo Qarsoodiya ku yeeshay Dubai iyo Wankii Ucid oo Maanta uu Adhaxda Tuujinayo…

Dubai(Xogreebnews)-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Siyaasi Maxamed Xaashi oo u weheliyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Baashe Morgan, oo kulamo qarsoodiya ku yeeshay dalka isu-taga imaaraadka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai.

Nuxurka kulamadaas ayaa la xidhiidha, in lagu kala iibsado Xisbiga Ucid, isla markaana lagu wareejiyo Siyaasi Maxamuud Xaashi inuu noqdo musharaxa madaxweynaha doorashada aqalka Madaxtooyada ee 2022-ka ee Xisbiga Ucid, kaddib markii uu Siyaasi Maxamuud Xaashi quus ka istaagay hankiisi siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye, sidaasna waxa shabakada Warar ee Xogreebnews u xaqiijiyey ilo-wareedyo ka ag dhow kulamadaas oo ku sugan dalka isu-taga imaaraadka Carabka.

Siyaasi Maxamuud Xaashi iyo safiir Baashe Moorgan, ayaa gudoomiyaha Xisbiga Ucid ku qanciyey inuu qaato dhaqaale cadadkiisa lagu sheegay 2 Milyan oo Dollar, isla markaana uu ku wareejiyo Musharaxnimada Xisbigaas iyo weliba Gudoomiyenimada labadaba, hase-yeeshee gudoomiye Faysal, ayaa ka war-wareegay inuu wareejiyo gudoomiyenimada, waxanu sheegay in aanay dhacayn inuu ku qabsado musharaxnimada, balse loo daayo gudoomiyenimada, si xisbigu ugu guuleysto doorashada madaxtooyada soo socotaa, isla markaana deegaano kala duwan uga helo Cod.

Hase-yeeshee qorshaha Gudoomiye Faysal Cali waraabe weli mankooda si sax ah ummu gelin Siyaasi Maxamuud Xaashi iyo weliba dilaalkiisa Siyaasadeed, waxa’se loo balan-san yahay kulan dambe, waxana xogga laga helayaa sheegayaan inay qaataan musharaxa, isla markaana siiyan lacagta lagu heshiiyey, hadii waxba kasoo naaso-cadaan waayaan hanka Maxamuud Xaashi ee Kulmiye.

Siyaasi Maxamuud Xaashi, ayaa u muuqda siyaasi dhagax keliyaa ku wada-dilaya laba shimbirood, isla markaana waxa uu lugna kula jiraa loolan adag oo ku doonaya gudoomiyaha Kulmiye, halka Baleen B-giisuna yahay quus kaddib inuu iska sharaxo Xisbiga doorashadii dhoweyd ugu cod-yaraa, isla markaana uu shaqsiga keliga ahi jeebada ku sito.

Geesta kale, ilo-wareedyo kaloo kasoo baxaya aqalka madaxtooyada ayaa sheega in madaxweyne Muuse Biixi iyo Faysal Cali waraabe ay ku wada socdaan shax kaloo qarsoon, isla markaana Faysal la meeraysanayo hadhow, oo aanay dhabka ahayn inuu ka dhigo maxamuud Xaashi inuu Ucidka noqdo Musharax madaxweyne.

Si kastaba ha ahaatee, siyaasi Maxamuud Xaashi, ayaa ahaa shaqsigii dabada ka hagayey inqilaabkii sharci ee lagu sameeyey musharaxii hore ee Xisbiga Ucid, Jamaal Cali Xuseen, isagoo markaa ahaa Wasiirkii Madaxtooyada, isla markaana ku shaqaysanaayey awoodda Madaxweynenimo ee Axmed Siilaanyo, isla markaana dan siyaasadeed u arkaayey inuu guuleysto madaxweyne Muuse Biixi iyo weliba hadii kulmiye lagu wareejin waayo inuu Ucid isaggu iska sharaxo, waxanu waqtigaas Siyaasi Maxamuud Xaashi geed-dheer iyo mid gaaban u fuulay ka khalusintii Siyaasi Jamaal, oo cadaalad daro badheedha hadh cad lagaga takhalusiyey tacabkiisi Ucid.

Hase-yeeshee Cuqubo-halkii lagu galay caw ku hurudaa, caruurtay ka laysaa Ninkii Caana-baas dhama, waa halku dhig caanka ah bulshada somalilada dhex-deeda, waxana dhici kartaa in dacwad hor leh iyo is-qabsi mar sadexaad maxkamad la gala Xisbiga Ucid uu dhici karo, iyadoo uu dariiq sharci u banaanayo Musharaxii hore ee Ucid Jamaal cali Xuseen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured