Waxqabadka Mugga leh ee u Muddo Kooban ku Talaabsaday Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera…

0
Monday December 23, 2019 - 02:17:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadka Mugga leh ee u Muddo Kooban ku Talaabsaday Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera…

    Waxqabadka Mugga leh ee u Muddo Kooban ku Talaabsaday Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxqabadka Mugga leh ee u Muddo Kooban ku Talaabsaday Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera…

Gudashada waajibaadka shaqo ee loo egmado masuuliyiinta qaranka ee laamaha dawladdu waa waajib, hase-yeeshee, way kala xil-gudasho iyo nasiib badan yihiin, iyagoo adeegyada dawlada u fuliya sida ay u kala daacadsan yihiin, isla markaana ka masuul ahaan ay uga go’aan tahay inuu baahi-tiro adeegyada shaqo ee u bulshada uga wakiil yahay xukuumada, waxanu tisqaad lagu boggaadiya yeeshaa masuulku markaa tacabkiisu ka muuqdo, sida maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Md. Saleebaan Looliya.

Hadaba qormo kooban, oo noqon doontaa mid taxane ah, waxaynu ku eegi-doonaa isbedelka mugga weyn ee 6-dii bilood ee u dambeeyey ka dhacay wakaalada Biyaha ee Magaalo xeebeeda Berbera. Inagoo eegaynaa sida uu maamulka cusub ee Wakaalada Biyaha Berbera u daboolay ama u yareeyey baahidii Biyood ee Bulshada ku nool Magaalada Berbera.

Maareeye Saleebaan Cabdi Looliya, marka hore waa masuul dhalinyaro ah, kaasoo leh, hadaf hoggaamineed ama u hagar-bixid bulsho, isla markaana ay ka muuqato inuu leeyahay himilo ah inuu daboolo baahida bulshada magaalada Berbera u qabto qasabadeed oo ay cabaan, iyo weliba in la gaadhsiyo Biyahaa xaafadaha fiday ee Koonayaasha Magaaladaas.

Waxanu Maareeyuhuu ka faaideeyey mashruuca Maalgelinta Biyo-balaadhinta Magaalada Berbera, isaggoo habeen iyo maalin walbaa aad arkayso isagoo ku hawlan qabyo-tirka hawlaha shaqo ee Biyo balaadhinta Magaalada Berbera, waxanay taasi furo u noqotay inuu si xawliya u socdo mashruuca Biyo-balaadhinta Berbera.

Sidoo kale, waxa uu Maareeyaha mudada yar xilka Wakaalada Biyaha ee Berbera hayey Md. Saleeban Cabdi looliya nidaam shaqo ee bulshadu ku faraxday ka hir-geliyey shaqaalaha Wakaalada Biyaha ee Berbera, isagoo u sameeyey dirays iyo agab lagu garto, isla markaana xilliga shaqada ee shaqaalaha ka dhigay mid heer Caalamiya, isagoo hanankii hore ka bedelay wax weyn. La soco qaybaha dambe ee aynu qodob-qodob usoo qaadan doono Xaafadaha Biyaha helay ee aan hore uga cabi jirin qasabada, balse Booyadaha ka dhaansan jiray iyo weliba qodobo kale.

Waa Bilahi Tawfiiq

Cabdifatax Cali Faarax.

Berbera/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured