Dibadbaxyo Ka Dhacay Magaalada Jigjiga

0
Tuesday December 24, 2019 - 22:39:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibadbaxyo Ka Dhacay Magaalada Jigjiga

    Dibadbaxyo Ka Dhacay Magaalada Jigjiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibadbaxyo Ka Dhacay Magaalada Jigjiga

Magaalada Jigjiga waxaa ka dhacay maanta dibadbax looga soo horjeedo Misaajidyo todobaadkii hore lagu gubay deegaanka Amxaarada taas oo ka dhalatay cadho badan oo Muslimiinta Itoobiya ay ka muujiyeen arrintaas.

shalay magaalada Qabridahar ee gobolka Qoraxey ayaa sidoo kale laga banaanbaxay. Maantana magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad-deeganaka Soomaalida, waxaa isugu soo baxay kumanaan qof.

Wararka qaar waxay sheegayaan in rasaas ay ciidanku rideen ay dad ku dhinteen dad kalena ku dhaawacmeen.

Hoggaanka amniga Dowladda Deegaanka, Cabdi Caadil Xasan Cabdi, oo ka waramaya sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay in "magaalada ay hadda nabad tahay”.

 

"Dad baa intey soo abaabuleen shacabka qeybihiisa kala duwan, waxay yidhaahdeen  ‘masaajiddii lagu gubay gobolka Goojam, waa in aan u muujino taageero iyo in aan ka xunnahay’, marka dowladda ayay soo ogeysiiyeen,” ayuu yidhi.

Wuxuu intaa ku daray: "Arrintaas maadaama ay xuquuq dastuuri ah tahay in shacabka uu si nabadgelyo ah uu u bannaanbaxo”.

Isu soo baxaas oo ka dhacay garoonka magaalada Jigjiga waxaa ka qeybgalay dad aad u badan, balse rabshadaha waxay billowdeen markii halkaa laga soo dareeray, sida hoggaanka amniga ee deegaanka uu xaqiijiyay.

"Waxaa jira dad qas-wadayaal ah oo doonayay in amniga ay faraha ka bixiyaan. Waxay billaabeen rabshad iyo dhagax tuur, ka dibna waxay u dareereen goobaha ay kaniisaduhu ku yaallaan ee magaaladan Jigjiga. Arrintaas, hay’adaha nabad-gelyada si wanaagsan ayay uga hortageen”.

Kaniisadahaas iyo goobaha ganacsiga ee la sheegay in dadkaas ay doonayeen "in ay boobaan” ayaa loo sameeyay "ilaalo badan”, sida uu sheegay Cabdi Caadil.

Wuxuu tilmamay in dadka ayna "u bisleyn in ay si nabad gelyo ah u bannaanbaxaan oo dareenkooda ay u muujiyaan ka dibna ay kala dareeraan”.

"Waa in laga waantoobo rabshadaha iyo in hantida gaarka loo leeyahay iyo hantida dowladda la dhibaateeyo iyo in khasaaro loo geysto. Shacabka in la dhibaateeyo looma baahna”, ayuu sheegay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured