Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay munaasibad lagu daahfuray ururka geelayaasha Oo lagu qabtay Garabis

0
Thursday January 02, 2020 - 20:58:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay munaasibad lagu daahfuray ururka geelayaasha Oo lagu qabtay Garabis

    Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay munaasibad lagu daahfuray ururka geelayaasha Oo lagu qabtay Garabis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay munaasibad lagu daahfuray ururka geelayaasha Oo lagu qabtay Garabis
Garabis-02-01-2020-(Xogreebnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan xubno ka mida golaha wasiirada Somaliland ayaa ka qaybgalay munaasibad lagu daah-furayey ururka geelayaasha Somaliland oo lagu qabtay Garabis oo ka mida degaanka fara-weyne oo ka tirsan gobolka maroodi-jeex.

Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay gudoomiyaha ururka geelayaasha Mustafe Cali Ducaale oo xusay ahmiyada iyo ujeedka ay u aas-aaseen ururkan, isagoo ku dheeraaday qiimaha ay leeyihiin caana geelu, isagoo sheegay in maanta adduunyadii kale fahantay faa’iidada ku jirta urur ahaana ay doonayaan inay dibeda u dhoofiyaan caanaha geela marka ay dalka wada gaadhsiiyaan ururkan.


Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay wasiirada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta iyo Horumarinta Beeraha, oo dhamaantood xusay qiimaha uu leeyahay dhaqashada geelu iyo caanihiisuba, waxaanay balan qaadeen inay kala shaqaynayaan ururkan sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa qiimaha geelu leeyahay.

Wa bilaahi Tawfiiq.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured