"Waxaa Hubaal Ah In Caalamku Ina Aqoonsanayo, Wakhtiga Ay Doontaba Ha Noqotee"Suldaan Xasan

0
Sunday January 05, 2020 - 07:04:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 676
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaa Hubaal Ah In Caalamku Ina Aqoonsanayo, Wakhtiga Ay Doontaba Ha Noqotee"Suldaan Xasan

    "Waxaa Hubaal Ah In Caalamku Ina Aqoonsanayo, Wakhtiga Ay Doontaba Ha Noqotee"Suldaan Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa Hubaal Ah In Caalamku Ina Aqoonsanayo, Wakhtiga Ay Doontaba Ha Noqotee"Suldaan Xasan

Hargeysa (Xogreebnews)-Suldaan Xasan Suldan Cabdilaahi  Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan qaranimadooda.

Suldaan Xasan Suldan Cabdilaahi  Suldaan Cabdiraxmaan, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay "Muddo ku dhaw 30 sanno, ayeynu ahayn Dal madax banaan, hubaal ahaana duruufo badan oo aad u adag oo waayahooda leh ayaa ina soo maray, oo aynu ka soo gudubnay, maantana halkaynu marayno waxaa xaqiiqo ah in aanay gaadhin Wadamo badan oo aqoonsi buuxa haysta,markaas haddii aynu hore Somaliya iskugu darsanay, oo aynu dal ku midawnay, haddana weynu kala madax banaanahay, cid Somaliya inagu qasbi karta ma jirto, jiritaanka dalkeenuna waa muqadas, maxaa yeelay dadkeena ayaa boqolkiiba todoba iyo sagaashan u coddeeyey in aanay mar dambe dib ula midawbin Somaliya, sida aynu ka war haynana Ingiriiska oo ka mid ah Wadamada ugu balaadhan Adduunka, ayaa isagoo xor ah ka baxay Yurub, oo dadkiisa ayaa u coddeeyey”.

 

Mar uu ka hadlaayey Aqoonsiga Somaliland ayaa wuxuu  yidhi "Somaliya inaga ayaa ka hor qaadanay xoriyada, oo in mar horeba la ina aqoonsado oo Caalamku ina aqoonsadaan ayaa loo baahnaa, mar haddii aynu buuxinay wax walba oo looga baahan yahay Dal iyo Dawlad, laakiin waxaa hubaal ah in caalamku ina aqoonsanayo, wakhtiga ay doontaba ha inagu qaadate”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured