Maareeyaha Dekedaha oo Deegaanka Ganbadhe ka Dhagax-dhigay Deked Taarikhiya iyo Bulshada Sool oo ku Qaabishay Soo Dhoweyn layaab leh...

0
Tuesday January 14, 2020 - 20:15:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedaha oo Deegaanka Ganbadhe ka Dhagax-dhigay Deked Taarikhiya iyo Bulshada Sool oo ku Qaabishay Soo Dhoweyn layaab leh...

    Maareeyaha Dekedaha oo Deegaanka Ganbadhe ka Dhagax-dhigay Deked Taarikhiya iyo Bulshada Sool oo ku Qaabishay Soo Dhoweyn layaab leh...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekedaha oo Deegaanka Ganbadhe ka Dhagax-dhigay Deked Taarikhiya iyo Bulshada Sool oo ku Qaabishay Soo Dhoweyn layaab leh...
Laascaanood(Xogreebnews-Wafti Balaadhan oo u Hoggaaminayo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa Maanta ka dhagax-dhigay deegaanka Gambadhe ee gobolka Sool Deked qalalan Dry Port, taasoo la dhigi doonoo Badeecadaha u kala gooshaya dalalka Somaliland la jaarka ah iyo sidoo kale gobolada bariga Somaliland.
Maareeyaha Dekedaha iyo Waftiga uu hoggaaminayo, ayaa si layaab leh, loogu soo dhoweeyey duleedka Magaalada Laascaanood, waxana halkaa kaga horyimi dadweyne tiro Badan iyo waxgaraadka gobolka Sool, iyadoo ay waftigu u sii gudbeen deegaanka Ganbadhe oo 30 Km u jiro Caasimada Gobolka Sool ee Laascaanood.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa sheegay in Dekedan qalalani fursad u siinayso Bulshada gobolada beriga Somaliland inay si fudud u helaan badeecadahooda, iyagga iyo dalalka jaarka la ah Somaliland sida Punland iyo Somalia, Maareeyaha oo Arrimaha ka Hadlaya waxa uu yidhi, "Dekeddan Qalalan waxa la dhigaya Badeecadaha kasoo degga Berbera, ee u sii gudbaa waddamada jaarka, iyo wixii Dalkeenuu uga baahan yahayba. Daraasadbaanu samaynay waxana goobta ku haboon noqotay Ganbadhe in laga fuliyo mashruucan, waxanaynu maanta halkan ka dhagaxdhigaynaa Deked 300/300, ah. goobtani waxay dalka iyo gobolkaba kusoo kordhinaysaa dhaqaale iyo shaqaale cusub, waxanan mar labaad u mahad-ceninayaa bulshada Gobolka Sool, sida karaamada leh ee ay noo soo dhoweeyeen, waxanan halkan aad uga bogaadinaya Ciidamada Qaranka, oo soo dhoweyn gaar ah iyagguna noo Sameeyey, sidoo kale waxan u mahadcelinayaa Gudoomiyaha Gobolka oo Dhulkan bixiyey, bogcadanina waxay noqon doontaa goob ay leedahay Haayada Dekedaha Somaliland, sharcigeedii iyo Waraaqaheediina waanu kaa fillaynaa Maayir iyo Gudoomiye". ayuu yidhi Maareeyaha Dekedaha Somaliland.
waxa kaloo isna halkaa ka hadlay Kayd Cabdilahi Xandule oo kamid Guddida Free-zoneka Dekedaha oo la dhagax-dhigay Maareeyaha, waxanu Kayd Cabdilahi Xandule si weyn ugu mahadceliyey qaybaha Bulshada Somaliland Sool, ee sida layaabka leh usoo dhoweysay. 
Sidoo kale waxa isna sharaaxad ka bixiyey waxyaabaha Waaxdan cusub ee dekedaha gobolka Sool Bulshada u qaban doonto, Enjineerka Guud ee Dekedahaha Somaliland, Eng. Cabdiraxman, waxanu yidhi, "Dekedani waa mid Qalalan ee ganbadhe, halkaas waxa ku yaala kastamkii halkaasaa lagu cashuurayaa, oo lagu iibsanayaa, halkaasaynaa ganacsatadu kala sii baxaysaa,  qofkii ilaa Berbera iman lahaa halkanuu adeegiisii ka qaadanayaa".
Waxa kaloo isna halkaa ka hadlay Badhasaabka Gobolka Sool Cabdiqani Jiidhe, waxanu sheegay in Bulshada bariga in Badan lahayd cidla ayaa nala dhigay, ay Maanta Deked heleen, isagoo Arrimaha ka Hadlaya waxa uu yidhi, "In Badan baaynu lahayd cidlaa la ina dhigay, Maanta waxaynu helnay Deked Caalamiya, Ilahaybaa Mahad leh, Maareeye Dhulku waa inaggu filan yahay". ayuu yidhi Badhasaabku.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured