Xukuumada Muuse Biixi Oo Faah-faahin Ka Bixisay Dilkii Saaka Lagu Fuliyay 6 Nin Oo Horay Ugu Xukunaa Dil »

0
Wednesday January 15, 2020 - 19:14:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Faah-faahin Ka Bixisay Dilkii Saaka Lagu Fuliyay 6 Nin Oo Horay Ugu Xukunaa Dil »

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Faah-faahin Ka Bixisay Dilkii Saaka Lagu Fuliyay 6 Nin Oo Horay Ugu Xukunaa Dil »

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Muuse Biixi Oo Faah-faahin Ka Bixisay Dilkii Saaka Lagu Fuliyay 6 Nin Oo Horay Ugu Xukunaa Dil »

Qoraal kasoo baxay Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa waxaa lagu faah-faahiyay xukunkii Dilka toogashada ahaa ee Maanta Somaliland ku fulisay Lix ruux oo rag, kuwaasi oo sanadihii dambe u xirnaa.

Waxaa lagu sheegay Qoraalka kasoo baxay xeer ilaalinta Somaliland in 6-da Nin ee dilka toogashada ahaa lagu fuliyay ay horey dad kala duwan ugu geysteen dilal, isla markaana Maxkamadda Sare ee Somaliland ay ku xukuntay Dil toogasho ah.

Qoraalka Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa waxaa uu qoran sidan:

Iyadoo la fulinaayo amarna maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan.

1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay EX-ASK-pol marxuun maxamed Cabdi saleebaan.

2: Gacan ku dhiigle Xasan muxumad cismaan Ina shukri Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun ismaaciil faarax maxamad.

3: Gacan kudhiigle khadar Aleel xirsi Ina maryan cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun siyaad Cabdi muxumad .

4: Gacan ku dhiigle Farxaan maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.

5: Gacan ku dhiigle Caydaruus khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac .

6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured