War Degdeg ah: Madaxweyne Biixi Oo Isku Shaandheyn mug leh ku Sameeyey Xukuumaddiisa, Masuuliyiin Xilalka laga Qaaday iyo kuwo la magacaabay....

0
Monday January 20, 2020 - 13:48:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg ah: Madaxweyne Biixi Oo Isku Shaandheyn mug leh ku Sameeyey Xukuumaddiisa, Masuuliyiin Xilalka laga Qaaday iyo kuwo la magacaabay....

    Madaxweyne Biixi Oo Isku Shaandheyn mug leh ku Sameeyey Xukuumaddiisa, Masuuliyiin Xilalka laga Qaaday iyo kuwo la magacaabay....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi Oo Isku Shaandheyn mug leh ku Sameeyey Xukuumaddiisa, Masuuliyiin Xilalka laga Qaaday iyo kuwo la magacaabay....
WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 20/01/2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadahoodu yihiin JSL/XM/XKQ/222/1-443/012020 iyo JSL/XM/WM/222-444/012020, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. 


Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegtooyin Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Amaal Cabdi Xasan
       Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada 

Ku: Maxamed Aadan Xirsi,
      Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaa Qaranka. 

MAGACAABID:-

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; 

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

1. Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga.

2. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed   Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska.

3. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

4. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.

5. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

6. Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada.

7. Axmed Cabdirisaaq Diiriye Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka.

8. Maxamed Axmed Xasan (Jabarti)  Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda.

9. Maxamuud Ismaaciil Cilmi  Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. 

ALLAA MAHAD LEH 

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured