Hooyo iyo Lix Ciyaal ah oo kala Lumay Raq iyo Ruuxna aan loo ahayn

0
Tuesday January 21, 2020 - 02:20:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo iyo Lix Ciyaal ah oo kala Lumay Raq iyo Ruuxna aan loo ahayn

    Hooyo iyo Lix Ciyaal ah oo kala Lumay Raq iyo Ruuxna aan loo ahayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hooyo iyo Lix Ciyaal ah oo kala Lumay Raq iyo Ruuxna aan loo ahayn
Burco(Xogreeb-news)-January 25/01/2019, 050:16, Marwo Hinda Saleebaan Axmed oo ah Hooyo haysta Lix caruur ah, kuwaasoo kala ah Shan ay dhashay iyo Hal Wiil oo Walaalkeed dhalay, ayaa muddo Laba sanno ku siman, waxa ay deris la noqdeen dhibaatooyin nololeed, oo isugu jirey takoor iyo faquuq isir-nacayn salka ku haya, arrimahaasoo ay kala kulmayeen bulshadii ay noolaayeen.
Hooyo Hinda iyo Shanta caruurta ah oo intii badan mudadaas ahayd ku noolaa Magalada Burco ee Gobolka Togdheer, hase-yeeshee kolkii ay u adkaysan kari waayeen takoorka iyo isir-nacaybka, waxa ay Marwo Hinda caruurta ay masuulka ka ahyd ula baqooshay dhanka deegaanka Hawdka ee Miyiga ah, iyadoo socodkeedu ahaa mid ku jihaysan dhankaa iyo deegaanada dawlad deegaanka Soomaalida Ethopia, halaasoo aakhirkii ay si nabad gelyo ah ku gaadheen iyada (Hinda) iyo Lixda caruurta ahaa, walow xaaladooda aan la odhan karin waa mid xasiloon, maxaa yeelay ma haystaan wax shaci ah oo u fasaxaya joogitaankooda gudaha Ethopia, taasina waa xaalad kale oo iyana wel-welkeeda wadata.
Sidaas darteed, waxa ay sharci la'aantu Hooyo Hinda iyo caruurteedii u horseeday in dadka deegaanka ku dhaqnaa isku qabsadeen, iyagoo ujeedadoodu tahay inay ku shaqaystaan caruurta iyo Hooyadood-ba, balse hadii ay yeeli waayaan inay taa bedelkeeda u sheegi doonaan Ciidanka New-Police-ka ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethopia, kadib kolkii qoyskaasi in mudo ah dhibaatadaa ku jireen, waxa dhacday aakhirkii inay iska hor-yimaadeen qoyska garab-raratada laga dhigtay iyo dadkii ay u shaqaynayeen.
Halkaasina ay ku wargeliyeen xubno qoysaskii ku shaqaysanayey kamid ahi Ciidanka New-Police-ka inay hayaan qoys Soomaali ah oo sharci-darro ku jooga, waxaana nasiib daro Ciidanka New-Police-ku kolkii ay goobta soo gaadheen halkaa ka qafaasheen Hooyo Hinda Inantii (Gabadh) caruurta ay dhashay ugu yarayd iyo Wiilkii ay Eedada u ahayd, waqtigaasoo Taariikhdu ahayd 15th Octobar 2019 waxii mudadaasi ka danbeeyay inay nool yihiin iyo meel ay ku xidhan yihiin sadexda ruux wax war lagama hayo.
Geesta kale, sida warar shebakadu heshay tibaaxayaan qoyska intiisii kale oo Afar ciyaal ah, ayaa la sheegay inay ka samata-baxeen shirqoolkaasi, isla markaa dib ugu laabteen Magaalada Burco ee Golbolka Togdheer, waxaana xoguhu intaa ku dareen Afrta ciyaalka ahi inay hada la joogaan Nin dadka Magaalada ka tirsan. Ma jiraan warar inta ka faahfaahsan oo daboolka ka qaadaya xaalada dhabta ah ee ciyaalku ku sugan yihiin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured