"Dekeda Berberi way ka Istaraatijisan tahay Dekedaha kalee Mandaqada, Al-baabka horee Dekedayada Waxa Mara, 35000-kun oo Markab Sannadkii, Si aanu Usoo jiidanno oo ula Macaamilo Waa Inaanu Diyaarinaa Makaaniyaadkii Dekeddii u Baahnayd" Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi

0
Friday January 24, 2020 - 02:59:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dekeda Berberi way ka Istaraatijisan tahay Dekedaha kalee Mandaqada, Al-baabka horee Dekedayada Waxa Mara, 35000-kun oo Markab Sannadkii, Si aanu Usoo jiidanno oo ula Macaamilo Waa Inaanu Diyaarinaa Makaaniyaadkii Dekeddii u Baahnayd" Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi

    Berbera(Xogreebnews)-Weriyaha Ruug-caadaga Saxaafadeed ah Cabdisalan Hereri, ayaa Barnaamij dheer ka sameeyey Horumarka Ballaadan ee labadii sanadood ee u dambeeyey ay ku talaabsatay Dekeda Caalamiga ah ee Berbera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera(Xogreebnews)-Weriyaha Ruug-caadaga Saxaafadeed ah Cabdisalan Hereri, ayaa Barnaamij dheer ka sameeyey Horumarka Ballaadan ee labadii sanadood ee u dambeeyey ay ku talaabsatay Dekeda Caalamiga ah ee Berbera.

Berbera(Xogreebnews)-Weriyaha Ruug-caadaga Saxaafadeed ah Cabdisalan Hereri, ayaa Barnaamij dheer ka sameeyey Horumarka Ballaadan ee labadii sanadood ee u dambeeyey ay ku talaabsatay Dekeda Caalamiga ah ee Berbera. Weriyaha ayaa Barnaamijkiisa kusoo qaatay isbedelka muuqda ee ka dhacay Marsada Berbera, isla markaana waxa uu dhinacyo kala duwan ku waraystay hawlwadeenada wax-yaha kala gedisan ee Dekedu ka kooban tahay, waxanu qof walbaa ka waraystay macluumaad ku saabsan shaqadiisa iyo weliba hiigsiga Dekeda, Weriye Cabdisalaan waxa uu Barnaamijkiisu daaha ka fayday xog ka daboolay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Haddaba Akhristayaal waxanu idiin soo gudbinaynaa qayb kamid ah Waraysigaas oo qoraala ah, Weriye Cabdisalaan Hereri, oo ka hawlgala Telefishanka Caalamiga ah ee Universal Tv, waxa uu ka sameeyey Horumarka Dekeda muuqaal ka badan saacad, hase-yeeshee waxaynu qoraalka kusoo qaadanaynaa Waraysi xaasaasiya oo dhex-maray Weriyaha iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilahi, waxanu u dhacay sidan.

S. Maareeye Waxaad Xilka la wareegtay oo ahayd waqti-yar kaddib markii Shirkadda DP World ay la wareegtay hawlaha Dekeda Berbera, halkeebad wax ka bilowdeen.

"Mahadsanid Cabdisalaan, runtii Xiligaan xilka la wareegay waxay ahayd Sebtember 2017-kii, iyadoo 2016-kii bishiisi sadexaadna ay la wareegtay Shirkadda DP World, waxana waqtigaas ka horyimi shirkada caqabado badan, iyadoo mar kastaa markaa uu isbedel dhacaayo uu leeyahay dhibkiisa, waxaana isfahmi waayey Shirkadda oo ahayd mid Ajanebi ah iyo dadkii dekeda ka shaqaynaayey, waxana dhex-maray isfahmi waa iyo buuq, runtiina waxay ahayd waqti adag, Ilahaybaa mahad leh, wada-xaajood dhexmaray Shaqaalaha dekeda iyo Odayaasha dhaqanka ee gobolka, waxanu isla fahanay inaanu la shaqayno Shirkadda DP World, iyo DP World oo aanu fahansiinay dhaqanka ka jira Somaliland iyo Dekedaba, nasiib wanaag waqti yar kaddiba waanu isla jaan-qaadnay shaqaalaha Dekeda oo ah kuwo karaamo leh, masuuliyadda ay hayaana og, waxanu bilownay isfaham iyo wada-shaqayn, maadaama oo ay DP World maamusho qayb keliya Dekeda oo ah qaybta dejinta iyo rarista badeecadaha, markii horena loo sheegay dadka inay guud ahaan la wareegtay dekeda oo dhan, wallow dadku inyar-inyar u fahmeen runtii waanu isla jaan-qaadnay shaqaduna si wanaagsanbay u socotaa”.

S; Maareeye Markaad leedahay Shirkaddu waxay la wareegeen oo keliya qaybta Oboreeshinka ama Socodsiinta hawlaha Maxaad uga jeedda.

"Waxaan uga jeeda Keliya waxay DP World maamushaa Rogista iyo Dejinta, intaasna waxa la isku yidhaahdaa hawl-socodsiin, Dekeduna waxay ka kooban tahay qaybo badan, markaa intaa kaloo dhan waxa masuul ka ah, Haayadda Dekedaha Somaliland, waxaanan Maareeye ahaan masuul ka ahayd, Hayadaha Dekedaha Somaliland oo dhan, Saylac, Maydh iyo Deked kastoo uu yeesho qaranku, hadii aan u micneeyo dadweynaha qaybaha kale dekeddu ka kooban tahay waxa weeye, qaybta Mareeniska oo ah masuuliyaddii Badda, soo xidhista Maraakiibta iyo Furitaankooda, shuruucda Badda, waxa kaloo Somaliland ka masuul tahay Ururka Geelaha iyo guud ahaan Amniga Dekeda, iyo qaybaha kale la shaqeeya dekeda oo dhan sida ajaneda”.

S: Shirkadda DP World oo mid Caalamiya dekedo badan oo Caalamka ahbay maamulaan, maxaa ugu weyn oo ay soo kordhiyeen intii ay dekeda ka shaqaynayeen.

"Cabdisalaan waa Su’aal Wanaagsan, laba qodoba way soo kordhiyeen, midi waxa weeye nidaamka loo shaqeeyo,oo heer caalamiya, intii DP World nala shaqaynaysay waxay gaadhay inay noqoto mid Caalamiya, oo waanu ka guurnay nidmaankii hore ee localka ahaa, ee dhibtaa iyo dhaawaca badnaa,imika shilalka dhaawaca ee dekeda ka dhacaa aadbay u yar yihiin. Shaqada dekeda ka socotaa waa mid aad u adag, dadkuna waxay u baahan yihiin in Seefatiga la ilaaliyo, taasoo annaga ahmiyad weyn aanu siinnay, Waayo?, nafta Bini-aadanka ayaa qaaliya, agabka kale waa la hellaa, markaa waanu ilaalinaa dirayska shaqaalaha, kabahooda iyo in mar walbaa aqoon korodhsi shaqaalaha aanu ku samayno, qaarkoodna aanu debedaha u dirno, qodobka labaad waa midka keenay soo jiidashada faraha badan, kaasoo ah sawiirka wanaagsan ee ay usoo kordhisay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, oo muddo dheer ku taamayey aqoonsi, iyo inuu la macaamilo dunida, waxanay kow ka tahay DP World la macaamilka aduunka, waxanay Soomalidu, ku maahmaahdaa qofka 11 dannood kugu qabo, ee aad dan keliya ku qabto, waxa la eeggaa danta aad adigu ku qabto, runtiina anigu waxaan u arkaa oo lagu soo hiran doono, isla markaana ay ku daydaan maalgashadayaal badani, ayey kusoo kordhinaysaa Somaliland”.

S: Dhinaca qalabka Markay timaado dekeda way ka muuqdaan, qalabkaasi muxuu kaga duwan yahay qalabkii hore ee dekedu ku shaqayn jirtay. J:”Qalabakani waxa uu kaga duwan yahay kii hore, oo uu la jaan-qaadayaa aqoonta shaqaalaha oo la kobciyey iyo agabka lagu shaqaynayo, tusaale ahaan berigii hore 5000, oo Koontiinar, ayaa Bishii soo degi jiray, mudadii ay Dp World Joogtay waxa Bishii La roggaa, 17000, oo Koonteenar, waxa halkaa ka muuqanaya isbedel xoog leh, ta kale waxa hadda Dekeda kusoo xidhaa Maraakibtii waaweyneed oo kan Maanta kusoo xidhay uu dambeeyey oo ah kii abid ugu weynaa ee kusoo xidha dekeda, dhererkiisuna yahay 234mt, waxanan rajeynayaa markaa imika qodista Dekeda Cusub la bilaabo, ee daraafka Dekeda la gaadhsiiyo 17-ilaa 18 oo ah daraafka Caalamiga ah ee dekedaha waaweyn la qodo, si ay ugu soo xidhaan Mother Ship-ka waaweyni”.

S: Dekeda Magaalada Berberi Muddo dheer waxay ahayd mid ay ka dhoofan Xoolaha Soomaliddu, laakin hadda waxay Dekeddu tartan kula jirtaa Dekedaha kalee gobolka ku yaala, sida Jabuuti, Manbasa kamid tahay Ereteriya kamid tahay, maxaa lagu dooranayaabay kula tahay Dekeda Berbera ee ay kaga duwan tahay kuwaas.

J: "laba qodoba Cabdisalaanow way kaga duwan tahay dekedahaas kale, waayo Dekeda Berberi way ka Istaatijisan tahay dekedaha kale Mandaqada, maadaama oo ay ku taalo Gelf adam, Al-baabka horee Dekeda Berbera waxa mara, 35000-kun oo Markab Sannadkii, si aanu usoo jiidanno 35000-kun oo ula macaamilo waa inaanu Diyaarinaa Makaaniyaalkii Dekeddii u baahnayd, ee loo qaban lahaa adeeg kastoo dekedi qabato, sida Daray-doga, Kuruu-ga iyo hadii ay u baahdaan inay shidaalo qaatan, waxaasoo dhami waxay soo hoynayaan dakhli badan, waana hiigsiga aanu leenahay 2021-ka hadii Abbe yidhaahdo, inaau adeegyada faraha badan bixino, si aanu tartankii mandaqada u dhamaystirno, waana qorshaha uu nagu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi”.

S: Laakin Adeegyada Dekeda Berberi Maanta Bixiso, markaad barbar dhigto dekeda Jabuuti ama Kenya, heerkeebaad joogtaanbaad odhan lahayd. J: "Waxanu joogna Heer aan ka hooseyn, dekeduna hadii aanay helin Waddo, micno ma yeelanayso, suuqa lagu tartamayo had iyo goor waa suuqa ugu dadka badan ee Itoobiya, sidaad indhahaaga kusoo aragtay wadadii Corridorkuna meel wanaagsanbay maraysaa oo iyadduna waxay la jaan-qaadaysaa balaadhinta Dekeda Berbera, intaasi markay isku hagaagan, waxa kaloo isna bilaabmayaa Free-zonekii, sadexdaasi markay ila jaan-qaadan waxaan filayaa inay Dekeda Berberi kaalinta kowaad geli doonto dekeda Mandaqada”.

S; Muddo dheer Dekedda Berberi waxay isku dayeysay sidii loo gaadhi lahaa suuqaa Itoobiya, oo alaabadoodu halkan ay usoo marin lahaayeen, intee in le’egbaad ku guuleysateen qorshahaas. J: "Sidaad la socoto Cabdisalaanow heshiis sadex geesood ahbaa la saxeexay oo ay dawladda Somaliland la gashay DP World iyo dawlada Itoobiya, in %30 badeecadaha Itoobiya ay maraan Dekeda Berbera, runtiina waxaasoo dhami waxay ku xidhan yihiin dhamaystirka Dekeda iyo Wadada”.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalkoo Dhamaystiran.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured