Muuse Moorgan 2, ninkii Siilaanyo Sodogga u ahaa ee Caafimaadkii Gobolka Sanaag Fashiliyey, Sidee loogu Aaminay Hay'adda Dhawrista Tayadda.

1
Friday January 24, 2020 - 19:00:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Moorgan 2, ninkii Siilaanyo Sodogga u ahaa ee Caafimaadkii Gobolka Sanaag Fashiliyey, Sidee loogu Aaminay Hay'adda Dhawrista Tayadda.

    Inkasta oo ay Soomaalidu hore ugu maahmaahday, " Ninka Maqasha la-gala Quusto ayey Soomaalidu Geella u dirsataa" ninka Guddimaha ka ah, Hay'adda dhawrista tayadda Somaliland oo uu sodog run ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkasta oo ay Soomaalidu hore ugu maahmaahday, " Ninka Maqasha la-gala Quusto ayey Soomaalidu Geella u dirsataa" ninka Guddimaha ka ah, Hay'adda dhawrista tayadda Somaliland oo uu sodog run ah,

uu u yahay Madaxweynii hore Siilaanyo, ayaa la sheegay in Siilaanyo markii uu xilka wareejinayey uu Madaxweyne Muuse kala dardaarmay in inanka meel loo magacaabo, Madaxweyne Muuse Biixi-na uu ogolaaday.

Haddaba, Madaxweyne Muuse Biixi miyeyna qorshihiisa fashilineyn kooxo hore loogala quustay waxqabad? Miyaanay habooneyn in la soo gaadhay xilligii la xisaabtami lahaa? In la soo bandhigo xadigii lacagihii malaayiinka ahaa ee lagu bixin jiray caafimaadka Gobolka fog ee Sanaag, xillii Siilaanyo oo Muuse Moorgan 2 ninkaa loo bixiyey wakhtigaasi uu maamuli jiray Hay’addii Shifa oo lacagayoow badan maamuli jirtay.

 

Haddaba, dhamaan cid kasta oo uu maqaalkani gaadho waxaanu ka codsanaynaa inay nala wadaagaan lacagihii badnaa ee uu Maamuli jiray Muuse Moorgan 2 ninkii loo bixiyey wakhtigii SIilaanyo, ee uu Siilaanyo Sodogga u ahaa, haatanna Gudoomiyaha looga dhigay Hay’adda DHawrista Tayadda Somaliland?

Noogu soo diri (text message), wixii xog ah ee aad ka haysaan musuqii wakhtigaasi lagu sameeyey Caafimaadka Gobalka Sanaag.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured