Jilayaasha Sooraan Iyo Jawaan Oo Lagu Casuumay Furitaanka Tiyaatarka Muqdisho + Xogaha Laga Helayo Xubnaha Ku Hawlan Kaxayntooda!

0
Saturday January 25, 2020 - 19:25:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jilayaasha Sooraan Iyo Jawaan Oo Lagu Casuumay Furitaanka Tiyaatarka Muqdisho + Xogaha Laga Helayo Xubnaha Ku Hawlan Kaxayntooda!

    Jilayaasha Sooraan Iyo Jawaan Oo Lagu Casuumay Furitaanka Tiyaatarka Muqdisho + Xogaha Laga Helayo Xubnaha Ku Hawlan Kaxayntooda!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jilayaasha Sooraan Iyo Jawaan Oo Lagu Casuumay Furitaanka Tiyaatarka Muqdisho + Xogaha Laga Helayo Xubnaha Ku Hawlan Kaxayntooda!

Dhawaan Ayaa Magaalada Muqdisho lagu Wadaa In laga furo Xaruntii TIYAATARKA MUQDISHO Oo Uu Madaxweyne farmaajo Xadhiga ka Jiri Doono.

 

Wararka laga helayo furitaanka tiyaatarka muqisho ayaa sheegaya in lagu casuumay xaflada furitaanka qaarka mida Ah Fanaaniinta Reer Somaliland oo ay kamid yihiin jilayaasha SOORAAN IYO JAWAAN In Ay kasoo qaybgalaan iyadoo qorshaha kaxaynta Uu ku hawlan yahay Sarkaal ka tirsan Haayada Deeqaha Mareykanka Ee Layidhaa (USAID) Oo hayb ahaan kasoo jeeda Somaliland, Xigaalna ay yihiin  RAYSAL WASAARE KUXIGEENKA SOMALIYA.

Xogaha laga helayo qorshaha muqdisho ku doonayso in ay fanaaniinta Reer Somaliland kasoo qaybgalaan Furitaanka Tiyaatarka Muqdisho ayaa tibaaxaya in  casuumadaasi ay  Aqbaleen Tagi taankeeda Jilayaasha SOORAN IYO JAWAN Oo wakhti Xaadirkan ku sugan magaalada JIGJIGA Ee Dawlad Deeganka Somalida Ethopia. waxaana lasiiyay 10 cisho in ay Kusoo diyaar garoobaan.

Sidoo kale xubnaha ku hawlan kaxaynta jilayaasha Sooraan Iyo jawaan ayaa qorsheeyay in marka danbe fanaaniinta iyo jilayaasha aynu kor kusoo xusnay magacyadoodu ay kasoo wareegaan dhinaca dalka DJABOUTI oo ay ku qanciyeen  in ay cafis u weydiin doonan Hadhow Xukuumada Somaliland.

Qorshaha maamulka muqdisho ee ku jihaysan shacabka reer Somaliland iyo Ugacan haadinta fanaaniinta ayaa kamid ah duulaanada joogtada ah ee ku hayaan jamhuuriyada Somaliland

Arintan ayaa hadii ay suurto gasho dhaawac ku ah Somaliland iyadoo xukuumadu si dhow ula socoto dhaq dhaqaaqyada ay gudaha dalka ka wadaan xubno magaca Somaliland huwan Balse u adeegaya cadowgeeda kana hawlgala  haayado caalami ah taasi oo la filayo in ay  talaabo deg deg ah ka qaadaan haayadaha dawlada ee ku shaqada ka hortaga arimaha ay kor kusoo sheegnay waxaana laga war sugi doonaan ficilada ay kaga dareen celiyaan qorshayaasha dhagaraysan ee laga soo maleegayo muqdish




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured