HOGAAN FIICAN DOORO SI AAD HORUMAR U GAADHO. Shucayb Cabdilahi Xuseen

0
Tuesday January 28, 2020 - 18:31:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 956
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HOGAAN FIICAN DOORO SI AAD HORUMAR U GAADHO. Shucayb Cabdilahi Xuseen

    Marka si dhaba hoos loogu eego sifooyinka iyo astaamaha wanaagsan ee lagu garto Hoggaamiyaha Wanaagsan ma fududa xadidaddoodu iyo in la soo kobo maxaa yeelay waxay badanaa ku xidhan yihiin hadba Mawqifyada soo waajaha hoggaamiyaha, nooca dadka uu r

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka si dhaba hoos loogu eego sifooyinka iyo astaamaha wanaagsan ee lagu garto Hoggaamiyaha Wanaagsan ma fududa xadidaddoodu iyo in la soo kobo maxaa yeelay waxay badanaa ku xidhan yihiin hadba Mawqifyada soo waajaha hoggaamiyaha, nooca dadka uu rabbo inuu majaraha u qabto yacnii maamul ahaan iyo wadciga ay ku sugan yihiin guud ahaan bulshadiisu,
BISMILAAI RAXMAANU RAXIIM.
Culimmada ku xeelka dheer aqoonta  la taqacaluqda hoggaaminta iyo hagidda qofeed, Qoysed iyo mid Qaranba waxay xaqiijiyeen ahmiyadda ay leedahay in la helo hoggaamiye toosan iyo waliba kaalinta ay ku leedahay hoggaamintu dhismaha iyo horumarka bulshooyinka kala geddisan ee aduun-waynaha ku nool, waxa la xaqiijiyey oo hubaal ah Inuu  Hoggaamiyuhu saldhig u yahay horumarka,  isku-duubnida, wadajirka,  degganaanshaha, gaadhida ujeeddooyin ku-dhisan himillo toosan iyo gudashada hawlaha ay hour-socod ku noqon karaan.


Hawlaha hor-yaal ee laga rabo inuu guto Hoggaamiyaha fiican iyo talaabooyinka uu ku hir-galin karo qorshayaashiisa horumarineed hadba  waxay ku xidhan tahay arimaha dhaqan-dhaqaale iyo waddada siyaasadeed ee ay ku taagan tahay  bulshada  uu rabbo inuu hoggaan u noqdo waayo waxaa hogaanka laftiisa hagaaya dabeecaadka iyo caadooyinka lama taabtaanka u ah ummada uu hormuudka u noqonaayo.

Sidoo kale hawlaha uu hoggaamiyuhu la rabbo inii qabto  waxaa lagu tilmaamaa inay isugu jiraan dejin qorshe siyaasadeed oo ku salaysan  mid arimo dabadeed iyo ta arimaha gudahaba oo lagu astaameeyey cilmi xeel-dheer, midkooda dhaqan-dhaqaale oo aas-aas looga dhigo hadba illaha heerka noloshooda kor loogu qaadi karo waxay dhaxal u leeyihiinba oo khayraadkooda ah, u xaqsoorid dhexdooda ah,dardar galinta hawl-maalmeedkooda lagama maarmaanka ah iyo inuu waayeel ka ahaado qardaafooyinka ka soo gaadhaaya dabeecaadkooda kala gadisan.

Marka si dhaba hoos loogu eego sifooyinka iyo astaamaha wanaagsan ee lagu garto Hoggaamiyaha Wanaagsan  ma fududa xadidaddoodu iyo in la soo kobo maxaa yeelay waxay badanaa ku xidhan yihiin hadba Mawqifyada  soo waajaha hoggaamiyaha, nooca dadka uu rabbo inuu majaraha u qabto yacnii maamul ahaan iyo wadciga ay ku sugan yihiin guud ahaan bulshadiisu, waaqaca aan laga gudbi karin ee hor-yaal iyo waliba deegaan-bulshadeedka ku xeeran,  Murtibaa ahayd  ” Haddii uu nin geesiye raggu geed-adayg yahay  haddaan garabka lala qaban guri oodi maayo” hoggaamiye kasta oo   wanaagsanasi hadduusan taageero ka helin dadka iyo dawladda uu  hoggaanka u hayo garab iyo gaashaana aanay u noqonin hadba cida ku xeeran  hiil iyo hoona aan lala garab galin hal tallaabo hore uma qaadi karayo xilkiisana si fiican uma gudan karo  xataa haddii uu awoodo kale  maciinsado  sida ay taariikhdu sheegayso waayo aragnimada nolosha soo taxnaydna laga dhaxlay.

Haddaba waxaynu  isku dayi doonaa inaynu soo qaadano dhawr qodob oo ay tahay in qofka wax doorayaa ka hubiyo kuna bardaamiyo hogaamiyaha uu talada u dhiibanayo iyo cida uu masiirkiisa ku aaminaayo:
1) Run sheeggid iyo ka midho dhalin balanqaadkiisa: Qodobkani waxa uu noqonayaa mid ka mida kuwa ugu muhiim san ee hogaamiye yeelan karo, taas oo ka turjumaysa in xilkii loo dhiibtay uu ka run sheegaayo kana soo bixi karo waajibaadka ay ummadu u igmatay si aan leexleexad lahayn.
2) In lala Xisaabtami karo: Hogaamiyaha soo jeedaa waxa uu ogsoon yahay in ummad xil u hayo oo amaano loo dhiibay waajibaadkiisuna yahay gudosho xilkasnimo ku dheehantay, maadaama uu xilkaas dhabarka u ritay waxa waajib ah lagu garab galo wixii u qabsoomay sidoo kalena lagula xisaabtamo wixii u qabsoomiwaayey iyo sababtay u baaqdeen, qofka qodobkaas ogolaadaana waa hubaal inuu noqon doono hogaamiye guulaysta waayo wuxuu yaqiinsan yahay Hadii qaranku dumo  in ay canaantu isaga dushiisa tahay ee aanay ahayn cida uu xukumo.
3) Is-dhul dhig iyo tanaasul: Hogaamiyaha wax qabadka leh waxa lagu gartaa in uu qirto qaladaadkiisa iyo meelaha uu la il daran yahay si talo iyo toosinba loogu gargaaro oo meelmarintaa danaha bulshadiisa hareeraha laga galo, sidoo kale waa inoo tanaasuli karaa oo  rayiyadda dadka kale rix-galin karaa si uu hore ugu socdo.

4) Geesinimo iyo Go’aan qaadasho: Hogaanka mugga wayn lihi waa ka fuliya go’aamada uu rumaysnaa xiligii oo ololaha ugu jiray inuu majaraha qabto, isagoon ka baqanayn cid baa ku mucaariddi  ama madaxtinimada aad haysato ayay cidhiidhi galiniyaa dadka kaa soo horjeeda, balse taas bedelkeeda waa inoo ku dhiiraddaa go’aan kasta oo soo wajaha iyo xaalad kasta ooo ka hor timaadaba. 
5) Aftahan-nimo iyo cod-karnimo: Hogaamiyaha caqliga leh wuxuu awood u leeyahay in uu kala cadeeyo waxa toosan iyo waxa leexsan. Waxa aanu yaqaanaa xiliga uu talaabada ku haboon qaadayo, muujiyaana maskax qaangaadha isagoo ku salaynaya erayo saamayn leh oo bulshada quluub tooda degta isla markaana kasban karaaya kalsoonida shacabkiisa si ay wadda shaqayni u dhex  marto isku doobnina loo helo oo hawlaha horumarineed ee horyaala loo hirgaliyo.
6)Qadarin iyo Qiimayn inuu yeesho: Hogaanka fiican ee qaran leeyahay wuxuu ilaaliyaa dastuurka umadaasi leedahay, isagoon u arkayn inuu sharciga ka sareeyo, una hogaan samaya go’aan ka maxkamada u saraysa iyo doonista shacabkiisa. Sidoo kale waxa uu dulqaad u leeyahay in uu dhagaysto aragtiyaha kala duwan ee dad-weynaha isagoo qiimaynaaya xataa hadday tahay in kursiga loo garan waayo.
7) Midnimo iyo inay dadkiisu u siman yihiin: Hogaanka wax tarka leh, waxa astaan u ah inuu ka shaqeeyo isku duubnaanta bulshada iyo wadda-jirkooda, markastana ka digtoonaado waxkasta oo keeni kara kala qaybsanaan iyo dagaalo aan sabab lahayn oo ku yimaada bulshada dhexdeeda.
8) Madaxbanaani: Hogaanka wax qabad ka leh waxa looga baahan yahay in uu u madax banaanado shaqada uu qaranka u hayo, ee aanay jirin cid gaara oo ku fushanaysa danahooda gaarka ah, sida, dad ku ilaashanaya xilalkooda ama hanti urursi ujeedadoodu tahay, taas micnaheedu maaha inuu iska indhatiro waaqica iyo waayaha ay dadka ku gedaamani ku nool yihiin iyo talooyinka loo soo jeedinaayo balse uu ka madaxbanaanaado cid kasta oo dan gaara leh.
9) Naxariis iyo kalgacal: Hogaanka wax tarka leh wuxuu fahmaa waxyaabaha bulshadiisu ka cabanayso haday yihiin kuwo hanti leh iyo kuwo aan hanti lahayn ba, mana aha qof isla wayn oo kibir iyo isqaadqaad ku jiro, waxa looga baahan yahay inu  ku xisaabtamo heerka nololeed ee bulshadiisu ku sugan tahay, isla markaana u tafaxayto siduu noloshooda kor ugu qaadi lahaa, hogaanka fiican waxa laga helaa lexejeclo uu u qabo dadka markaa jooga, kuwa ka dambeeya, dalka iyo diintaba.

10) Deeq waa inoo lahaado: ugu danbayn hogaamiyaha tolmoon waxa lagu tilmaansadaa inuu deeq leeyahay oo la martiyo karo dadkiisana waxtari karo markay xaaladaha adag ku jiraan sida abaaraha oo kale oo aanu hanta uruursi iyo bakhaylnimo ku caanbixin.

Wax yaabaha aynu kor kusoo sheegnay way adag yihiin in laga wadda helo shakhsiyaadka hanka leh ee reer Somaliland iyo guud ahaanba Somilada laakiin waxa muhiim ah in badhkood laga helo qofka u hamuun qaba hogaanka dalka iyo dadkaba, oo aan lagu dagmin kanaa ku xiga iyo kanaad dan gaara ka helaysaa, waxaan ku talin lahaa in danta iyo horumarka qaranka meel looga soo wadda jeesto ee layska jiro dabinada kala qoqobka iyo qabyaalada ku dhisan ee ay Siyaasiyiinteenu maleegayaan.

Wa bilaahi towfiiq.
Qalinkii 
Shucayb Cabdilahi Xuseen 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured