Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Markab Dushii Kullan Kula Yeeshay Safiirka Midowga Yurub

0
Friday January 31, 2020 - 11:55:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Markab Dushii Kullan Kula Yeeshay Safiirka Midowga Yurub

    Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Markab Dushii Kullan Kula Yeeshay Safiirka Midowga Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Markab Dushii Kullan Kula Yeeshay Safiirka Midowga Yurub
Berbera-30-01-2020-(Xogreebnews)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  iyo qaar kamida Golaha Wasiirada ayaa maanta kormeer iyo booqasho ugu tegay Markab kamida kuwa Ilaalada Xeebaha oo ay leeyihiin Midowga Yurub, waxaana uu halkaasi Shir kula yeeshay Safiirka Midowga Yurub iyo Admiral kii  Markabkaasi waday oo uu Madaxweyne ku xigeenku ka dhegaystay Warbixin la xidhiidha Ilaalada Xeebaha siday uga hawl galaan ka midow yurub ahaan.


Madaxweyne ku xigeenka JSL waxaa ku wehelinaayey Shirkaasi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirashiid Xaaji Ducaale (Qanbi) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi) Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane).

Shirkan ayaa muddadii uu socday waxa lagaga hadlay Xaalada nabadgelyo ee biyaha Caalamiga ah ee ay ilaaliyaan Midowga Yurub iyo sida ay ula shaqeeyaan Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland, sidoo kalena waxay Somaliland Baddeeda ku ammaaneen siday uga caaggan tahay Budhcad-badeedda iyo argagaxisada, doorkoodana waxay soo bandhigeen hannaanka wada shaqayneed ee u dhaxeeya iyaga iyo Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale booqday Ciidamadii saarnaa markabkaasi sidoo kalena indho indhayn kusoo sameeyey qalabka iyo gaadiidka dagaalka ee markabkaasi saarnaa.

Wa Bilaahi Tawfiiq


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured