Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Midowga Yurub Amb. Nicolas Berlanga Martinez

0
Saturday February 01, 2020 - 13:06:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Midowga Yurub Amb. Nicolas Berlanga Martinez

    Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Midowga Yurub Amb. Nicolas Berlanga Martinez

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Midowga Yurub Amb. Nicolas Berlanga Martinez
WAR-SAXAAFADEED: 01 /02/2020

Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Midowga Yurub Amb. Nicolas Berlanga Martinez

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka midowga yurub u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez


 

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midowga yurub iyo Somaliland ka dhexeeya, sidoo kale waxa laga wada hadlay taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay midowga yurub ku taageeraan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed.

Ugu danbayntiina waxa kulankaasi lagu lafo-guray sidii laysaga kaashan lahaa horumarka iyo amniga guud ee mandaqadda geeska Afrika.
 

Waxaana Madaxweynaha kulankaas ku wehelinaayey, wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi).
 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured