Shirkadda WhatsApp Oo Joojinaysa In Adeega WhatsApp-ka Ay Ku ShaqeeyaanTelefoono Badan Oo Dadku Isticmaalaan + Sababta »

0
Saturday February 01, 2020 - 19:37:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda WhatsApp Oo Joojinaysa In Adeega WhatsApp-ka Ay Ku ShaqeeyaanTelefoono Badan Oo Dadku Isticmaalaan + Sababta »

    Shirkadda WhatsApp Oo Joojinaysa In Adeega WhatsApp-ka Ay Ku ShaqeeyaanTelefoono Badan Oo Dadku Isticmaalaan + Sababta »

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda WhatsApp Oo Joojinaysa In Adeega WhatsApp-ka Ay Ku ShaqeeyaanTelefoono Badan Oo Dadku Isticmaalaan + Sababta »

Barnaamijka ay dadka isugu diraan farriimaha ee WhatApp ayaanan ku shaqeyn doonin malaayiin taleefan laga bilaabo 1-da Febraayo.

Taleefannada ay soo saaraan Android iyo iPhone ee ku shaqeeya barnaamijta uu waqtigoodu dhacay ayaanan ku shaqeyn doonin bartan ay leedahay shirkadda Facebook.

WhatsApp ayaa sheegtay in tallaabadan ay lagama maarmaan noqotay si loo xaqiijiyoo ammaanka dadka bartaasi isticmaalaya.

Taleefannada qaaliga ah ee ku shaqeeya barnaamijka Android ee 2.3.7 iyo kuwa ka da’da waynba, iyo midka iPhone iOS 8 ama ka sii wayn, ayey arrintan saameyn doontaa.

Barnaamijka uu ku shaqeeyo WhatsApp-ka ayaa waxa uu meesha ka saaraya barnaamijta qadiimiga ah ee aan la cusboonaysiin ama lagu shubay taleefannada cusub.

Inta badan dadka isticmaala bartaas ayey u suuragalaysaa inay cusboonaysiiyaan barnaamijka uu taleefankooda ku shaqeeyo si ay u sii wadaan isticmaalka adeegga farriimaha ee shirkadda.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, taleefannada qaar sida iPhone 4s, kaas oo ku shaqeeya barnaamijka iOS 7 oo kaliya, ayaanan ku shaqeyn doonin barnaamijka WhatsApp.

"WhatsApp wax kale oo u furan malahan oo aan ka ahayn inay xaqiijiso in adeegeedu uu ahaado mid ammaan ah, hasayeeshee waxa ay shirkaddu wajahaysaa saameyn kaga imanayso taleefannada duqa ah ee aan ku shaqeyn doonin barnaamijkooda,” ayuu sheegay Ben Wood oo ka tirsan CCS Insight.

"Taasi waxa ay u badan tahay inay saameyso dad muddo isticmaalayay adeegan, gaar ahaan suuqyada koraya halkaas oo aad looga helo taleefannada duqa ah.”

WhatsApp, oo ah barnaamijkii afraad ee loogu soo dejis badan yahay tobankii sanadood ee la soo dhaafay, ayaa 2017 waxa ay macaamiisheeda uga digtay isbadelka la sameyn doono.

"Waa ay adkeyd inaynu go’aankaas gaarno, hasayeeshee waxa uu mid sax ah si aannu dadka u siinno qaab wanaagsan oo ay ku wada xiriireen asxaabta, qoysaska, iyo dadka jecel inay isticmaalaan WhatsApp-ka,” ayuu yiri afhayeenka shirkadda.

Waa tallaabadii ugu dambaysay ee kuwo xiriir ah oo ay qaadday shirkaddan farriimaha taas oo ay kaga baxday dhowr qalab 2016, kaddibna ay kaga baxday dhammaan taleefannada Windows-ka 31 Diseembar 2019.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured