Fadlan Mudane Madaxweyne Wax-ka-qabo Masuuliyiin Xukuumad Ka Tirsan oo Dhistay Laag-biyo Mareen ah, Amarkaagii Kadib?

0
Monday February 03, 2020 - 10:53:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadlan Mudane Madaxweyne Wax-ka-qabo Masuuliyiin Xukuumad Ka Tirsan oo Dhistay Laag-biyo Mareen ah, Amarkaagii Kadib?

    Waxa dhisme shacri darro ah, laga dhisay laagta ugu biyaha badan, Degmadda Axmed Macallin Haaruun. Laagtaasi oo ay soo maraan xilliyadda roobka daadka ka soo rogmadda buuraha waqooyi ee degmadda Macallin Haaruun.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa dhisme shacri darro ah, laga dhisay laagta ugu biyaha badan, Degmadda Axmed Macallin Haaruun. Laagtaasi oo ay soo maraan xilliyadda roobka daadka ka soo rogmadda buuraha waqooyi ee degmadda Macallin Haaruun.

Haddaba, Mudane Madaxweyne waxa xusid mudan, in roobabkii ugu danbeeyey ee da’ay 13,May/2019-kii ay daadka ka soo roogmaday Buuraha Macallin Haaruun ay geysteen khasaare badan, oo xata Masaajidyo ay ku jiraan, sida Masaajidka Weyn ee Tabliqiyiinta ama Kulanka Islaamka loo yaqaanno. Waxa kale oo ay daadadku khasaare soo gaadhsiiyeen Guryo madan oo degmadda ku yaalla.

Weliba waxa xusid mudan oo kale, mudadii dhismuhu socday uu fasaxay Gudoomiyaha Degmadda Axmed Macallin Haaruun, oo loo yaqaanno Maxamed Cabdillaahi Geel-jire. Mudadii uu dhismuhu socday Gudoomiyaha ayaa si joogta ah u ilaalinayey si aysan cidi u carqaladeyn.

Arrinta kale oo cajibka ah, waxa ka mid ah Xoghayaha Dawladda hoose ayaa dhawaan Gudoomiyaha Macallin Haaruun shaqadda ka joojiyey markii uu ka qayb-qaatay laago kale oo biyuhu maraan oo uu ka fuliyey dhismayaal sharci darro ah, isla markaana uu Xoghayuhu burburiyey dhismayaashii sharci daradda ahaa ee laagta biyo mareenka ah laga dhisay, balse nasiib darro Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Farxaan Aden Haybe iyo Xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi Ducaale oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, kuwaasi oo cadaaadis xoog leh Maayarka ku saaray in Gudoomiyaha loo fasaxo shaqadda uu Xoghayuhu ka joojiyey, si uu ugu fuliyo dhismaha sharci darradda ah ee laga dhexdhisay laagta Biyo Mareenka ah.

Dhismayaasha Meesha ka muuqdaa, waxay ku fadhiyaan in ka badan 100 Mitir(Boqol Mitir) waxaana dhammaan dhismayaashaasi isheenu qabaanyso oo dhan dhistay masuuliyiintan xukuumadda ka tirsan.

Muuqaaladdan Ayaan ka soo qaaday Saaka dhismaha ka socda Laagta Biyo Mareenka ah(Isha ayaa Markhaati ah)

Diyaariye: Maxamed Jaamac Aden




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured