"Waxaa laga gaadhay waqtigii ay Somaliland taageero u muujin lahayd Maamul goboleeda Cadaalad darada lagu hayo ee puntland iyo jubbaland".Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

0
Saturday February 08, 2020 - 17:44:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaa laga gaadhay waqtigii ay Somaliland taageero u muujin lahayd Maamul goboleeda Cadaalad darada lagu hayo ee puntland iyo jubbaland".Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    "Waxaa laga gaadhay waqtigii ay Somaliland taageero u muujin lahayd Maamul goboleeda Cadaalad darada lagu hayo ee puntland iyo jubbaland".Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa laga gaadhay waqtigii ay Somaliland taageero u muujin lahayd Maamul goboleeda Cadaalad darada lagu hayo ee puntland iyo jubbaland".Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule
Kooxda kurayda ah ee ka arrimaya Villa Somalia, oo ay Talaadoodu kusoo biyo Shubatay wadadii Hooga iyo halaaga  badnayd ee Somali kala irdhaysay keli-talisno, iyo awood isku Muuqnin,waxay Maalmahan Ciidamo iyo Saanad milatary ku daad- guraynayeen Maamul-goboleedada, jubaland & puntland ,Waxaa kale oo ka  horaysay inay Somaliland in badan ay dagaal ka hurinaysay xuduudaheeda iyo Gudaheedaba.xitaa sida inoo muuqatay raggii Madaxtinimada ku wareejiyey ayey si badheedha qaarna guryahooda ugu dhacaysay, qaarna ay Xabsi guri ku soo rogeen. Waxaa Cad inaanay ahayn kuwo ay wax uga bilaaban yihiin wixii dhib ahaa Umada Somaliyeed iyo Somalilandba Soo gaadhay waxay xaaladoodu taagan tahay haddaan kooyey, kolkay haday halkaas marayso waxaa la gaadhay waqtigii si toos ah laysaga dhicin lahaa hororada boodda baradka ah, loolana bahoobi lahaa sidii laysaga dhicin lahaa, way dhaaftay waqtigii in lagu eegi lahaa, puntland waa  Maamul-goboleedka ay somaliland jaarka yihiin, dhibka soo gaadhaa wuxuu saamayn togan iyo mid tabanba ku yeelanayaa Degaanaanshaha Somaliland, Sidoo kale jubbaland Waa maamul - goboleed ay inaga dhaxayso Siyaasad hufan oo walaaltino & garawshiinyo ka muuqato,
Sidaa daraadeed waxay taagan tahay Waqtigii ay Somaliland taageero muuqata u muujin lahayd Cadaalad Darada lagu hayo maamul-goboleedada,hoosna loo dhigi lahaa khilaafaadka hoose ee inoo dhexeeya inaga iyo puntland, taasi waxay daawo u noqon karaysaa inay fahmaan Shacbiga Somaliyeed lexejeclada ay somaliland ka qabto in wadadii  dhibka iyo halaagu kasoo gaadhay aanay marlabaad dib u raacin iyagu, sidoo kalena ay la gudboon tahay inay ka garaabaan qadiyada masiiriga ah ee Somaliland. 
Wa bilaahi tawfiiq
Kayd Cllaahi Xandule




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured