Madaxweyne Biixi Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweyay Magalada Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya ( SAWIRRO ) »
Madaxweyne Biixi Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweyay Magalada Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya ( SAWIRRO ) »
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaaminayey oo si balaadhan loogu Soo dhaweeyey dalka Itoobiya. Waxaana weftiga halkaasi ku Soo dhaweeyey wasiirudawlaha arrimaha dibeda Itoobiya Dr.Aklilu hailemecheal, waxaanay qadar nasasho ah ku qaateen qolka martida ee Airportka, waxaanay uga sii gudbeen halkii loogu talogalay martida madaxweynaha. Afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac ayaa sheegay in Ujeedada safarka safarkani la mid yahay safaradii shaqo ee hore madaxweynuhu ugu bixi jiray waddamada caalamka iyo dalalka aynu jaarka nahay, waxaanu yidhi afhayeenku "waxa uu madaxweynuhu halkaasi kulamo kula yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika, waxaana magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaasi ka waday hawlo diblumaasiyadeed”. Sidoo kale waxa uu afhayeen Maxamuud Warsame sheegay in safarkan madaxweynuhu xoojin doono hawlihii diblumaasiyadeed ee wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ahi halkaasi uu u joogay muddooyinkii u danbeeyey, safarkan madaxweynuhu waxa uu qaadan doonaa muddo kooban waxaana ku wehelinaaya madaxweynaha safarkan xubno ka mida golaha wasiirada. Leave a comment |
|