Khilaafka Shirkadaha Som-power Iyo Indha Birta Oo Meel Xasaasiya Maraya Iyo Sompower Oo Awood Dawladeed Ku Xidh Xidhay Shaqaale Ka tirsan Indha Birta...

0
Tuesday February 11, 2020 - 12:41:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Shirkadaha Som-power Iyo Indha Birta Oo Meel Xasaasiya Maraya Iyo Sompower Oo Awood Dawladeed Ku Xidh Xidhay Shaqaale Ka tirsan Indha Birta...

    Khilaafka Shirkadaha Som-power Iyo Indha Birta Oo Meel Xasaasiya Maraya Iyo Sompower Oo Awood Dawladeed Ku Xidh Xidhay Shaqaale Ka tirsan Indha Birta...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka Shirkadaha Som-power Iyo Indha Birta Oo Meel Xasaasiya Maraya Iyo Sompower Oo Awood Dawladeed Ku Xidh Xidhay Shaqaale Ka tirsan Indha Birta...

Hargeysa(Xogreebnews)-Khilaaf Udhexeeya Shirkadaha laydhka ee Sompower iyo indha birta Ayaa  meel xasaasiya maraya kadib markii maalintii jimcihii ay isku dhaceen shaqaalaha laydhka ee labada shirkadoo kaasi oo ka dhashay sida warar xogogaal oo laga helayaa sheegeen in shaqaalaha shirkada indha birta oo ku guda jiray xadhkaha laydh oo ay xidhayeen ay soo weerareen shaqaale katirsan shirkada sompower oo isku dayay in goo gooyaan xadhaha indha birta kaasi oo keenay isku dhaca labada dhinac.

 

Ciidamada Amaanka ayaa iyagu xabsiga utaxaabay  shaqaale ka kala tirsan sompower iyo indha birta wallow shaqaalihii sompower markii danbe ay siidaysay xukuumada halka wali ay ka xidhan yihiin shaqaalihii shirkada laydhka ee indha birtu,

Talaabada ay xukuumadu kusii daysay shaqaalihii shirkada sompower ayaa noqotay mid dareeno kala duwan abuurtay iyadoo marka horeba ay maamulka shirkada indha birtu tirsanayeen in lagu soo xadgudbay.

Dhanka kale talaabada lagu siidaayay shaqaalaha ka xidhaa sompower ayaa daboolka ka qaaday taageero ay ka haysato xukuumada madaxwayne Muuse Biixi  oo wasiirka macdanta iyo tamarta ee xukuumada uga masuul ah shirkadaha bixiya adeega laydhku uu  hore uga tirsanaa sompower ay keentay in si khaldan ay u adeegsadaan awoodii xukuumada.

Shirkada Sompower oo isku halaynaysa taageerada ay ka haysato dawlada ayaa falal sharciga baalmarsan kula kacday shirkada dhigeeda ah ee Indha Birta taas oo bixisa adeega laydhka ee qaybo ka mid ah magaalada Hargeysa.

Shirkada Sompower ayaa iyadu  mudooyinkii ugu dambeeyey si gaar ah u bartilmaameedsanaysay shaqaalaha shirkada Indha Birta oo horeba ay dhowr jeer iskugu dhaceen kadib markii ay isku dayday inay goyso xadhko la marinayey goob u dhawayd guriga taliyaha ciidanka booliska,

shaqaalaha laga xidh xidhay shirkada Indha Birta ayaa ah laba qof halka shirkada Sompower-na laga xidhay laba mid ah shaqaalaheedii isku dayey inay xadhkaha gooyaan ciidanka dambi baadhista ayaa shuruud la,aan ku sii daayey shaqaalihii Sompower halka kuwii Indha Birtuna ay ilaa hada xabsiga ku jiraan.

shirkadaha bixiya adeeg laydhka ee ay kamid tahay Indha birtu tiraba dhowr jeer cabasho ka muujiyeen weeraradaay ku hayso sompower oo ay cabashadooda gaadhsiiyeen golayaasha qaranka iyo madaxwaynaha Somaliland aanay xukuumadu dhag jalaq usiinin wallow madaxwayne biixi wasiirka macdanta usoo jeediyay in uu dhameeyo khilaafka udhexeeya shirkadaha laydhka kaasi oo isagu ah masuul ay shirkaduhu ku eedeeyeen in aanu dhex uhayn lana safan yahay shirkada sompower oo uu katirsan yahay.

 Wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland oo hore u ahaa gudoomiyaha boodhka ee shirkada Sompower ayaa ka mid ah shakhsiyaadka gacansaarka weyn siinaya dulmiga ay wado shirkadaasi,  halka horena looga hayo isagoo si badheedh ah uweeraraya shirkada laydhka

Si kastaba ha ahaatee waxa ilaa haatan xidhan shaqaalihii shirkada Indha Birta halka wararka qaarna sheegayaan in wali xukuumadu damacsan tahay in lasoo xidh xidho masuuliyiin kale oo katirsan shirkada indha birta taasi oo keeni karta in khilaafka shirkadaha laydh udhexeeyaa uu cirka isku sii shareero iyadoo laga cabsi qabo in muranka shirkadaha laydhku sobobo isku dhacyo kale kuwaasi oo khatar ku ah amaanka caasimada iyo guryaha iyo meheradaha ay siiyaan adeega laydhka.

HALKAN KA DAAWO BILICSIGA HADALADA WASIIRKA MACDANTA OO SI TOOSA UWEERAYA SHIRKADAHA WAKHTIGAN KA CABANAYA;




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured