Laba Kamida Ragii Dilka Iyo Kufsiga Isugu Daray Marxuumad Caasha Ilyaas Oo Dil Qisaasa Lagu Fuliyay Saaka

0
Tuesday February 11, 2020 - 15:08:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Kamida Ragii Dilka Iyo Kufsiga Isugu Daray Marxuumad Caasha Ilyaas Oo Dil Qisaasa Lagu Fuliyay Saaka

    Laba Kamida Ragii Dilka Iyo Kufsiga Isugu Daray Marxuumad Caasha Ilyaas Oo Dil Qisaasa Lagu Fuliyay Saaka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba Kamida Ragii Dilka Iyo Kufsiga Isugu Daray Marxuumad Caasha Ilyaas Oo Dil Qisaasa Lagu Fuliyay Saaka

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa lagu qisaasay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame laga reebay.

 

Xukmanaha saddexaad ayaa mudda 10 cisha ah dib loo dhigay kiiskiisa kadib markii uu sidaasi codsaday Ilyaas Aaden oo ah aabbaha dhalay Marxuumad Caa’isha Ilyaas.

Raggaasi, ayaa maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019.

Sidoo kale, maxkamadda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019, si rasmiya u ayidday dilkii lagu riday saddexda xukmane, balse cabasho ay xukunka ka qaateen ayey mar kale maxkamadda sare laashay 23-ka October 2019.

24-kii February 2019 Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 12-sano jir, ayaa lagu waayay xaafadda Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo kadib markii adeeg loo diray.

Maalintii xigtay ee 25-kii February 2019, Subax aroortii ayaa aga’gaarka gurigooda laga helay maydkeeda oo kufsi iyo jir dil ba’an loo geystay.

Dhacdadaasi, ayaa bulshada Soomaaliyeed ka dhex dhalisay fal-celin xooggan oo ku wajahan, in ay caddaalad hesho gabadhaasi yare e Caa’isha Ilyaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured