Madaxweyne Biixi iyo Guddoomiye Cirro Oo Xalay Ku Kulmay Addis Ababa

0
Tuesday February 11, 2020 - 15:10:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi iyo Guddoomiye Cirro Oo Xalay Ku Kulmay Addis Ababa

    Madaxweyne Biixi iyo Guddoomiye Cirro Oo Xalay Ku Kulmay Addis Ababa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi iyo Guddoomiye Cirro Oo Xalay Ku Kulmay Addis Ababa

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay labadooduba ku suganyihiin.

 

Ma jiro war rasmi ah oo kulankaas laga soo saaray, laakiin warar xogogaala ah ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Madaweyne Biixi iyo guddoomiye Cirro ay xalay isku horfadhiisteen kulan casho ah oo ka dhacay hoteelka uu Madaxweynuhu degenyahay, waxaana kulanka ku weheliyay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis oo hadda ka tirsan Waddani, Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed iyo odayaal kale oo reer Somaliland ah.

Kulanka oo ay albaabadu u xidhnaayeen, ayaan si rasmi ah loo garanayn qodobada ay ka wada hadleen Madaxweynaha iyo guddoomiyuhu, waxase la filayaa inay ka wada hadleen xaaladaha siyaasadeed ee hadda dalka ka taagan gaar ahaan qaddiyada guddiga doorashooyinka oo caqabad ku noqotay in doorasho dalka ka qabsoonto.

Kulankii u dambeeyay ee dhex maray Madaxweyne Biixi iyo labada guddoomiye mucaarad ayaa ahaa 26 December 2019  markaas oo uu burburay kulankaasi, ka dib markii la isku fahmi waayay fulinta labadii qodob ee ay guddiga dhexdhexaadintu ka soo saareen khilaafka ka dhashay guddiga doorashooyinka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured