"Kulankaasi Dhexmaray Muuse Iyo Cirro Waxa Uu Khatar Weyn Ku Yahay Wada Shaqayntii Udhaxaysay Labada Xisbi Mucaarid Ee Ucid Iyo Waddani. Waxaanu Muujinayaa Inaanay Jirin Mabaadii Rasmiya Oo Ay Ku Wadasocdaan"Nuuradiin Ibraahim Awcabdi

0
Tuesday February 11, 2020 - 15:13:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Kulankaasi Dhexmaray Muuse Iyo Cirro Waxa Uu Khatar Weyn Ku Yahay Wada Shaqayntii Udhaxaysay Labada Xisbi Mucaarid Ee Ucid Iyo Waddani. Waxaanu Muujinayaa Inaanay Jirin Mabaadii Rasmiya Oo Ay Ku Wadasocdaan"Nuuradiin Ibraahim Awcabdi

    "Kulankaasi Dhexmaray Muuse Iyo Cirro Waxa Uu Khatar Weyn Ku Yahay Wada Shaqayntii Udhaxaysay Labada Xisbi Mucaarid Ee Ucid Iyo Waddani. Waxaanu Muujinayaa Inaanay Jirin Mabaadii Rasmiya Oo Ay Ku Wadasocdaan"Nuuradiin Ibraahim Awcabdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kulankaasi Dhexmaray Muuse Iyo Cirro Waxa Uu Khatar Weyn Ku Yahay Wada Shaqayntii Udhaxaysay Labada Xisbi Mucaarid Ee Ucid Iyo Waddani. Waxaanu Muujinayaa Inaanay Jirin Mabaadii Rasmiya Oo Ay Ku Wadasocdaan"Nuuradiin Ibraahim Awcabdi

SAWIRO SIYAASADEED OO IS BEDBEDALAAYA.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiye Cabdrahman Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa kulan casho ah ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya halkaasi oo ay labaduba ku sugan yihiin, kulankaasi waxa qoray Wargayska Geeska Africa isaga oo sheegay in uu ahaa kulan albaabadu u xidhanayeen kana qabsoomay Hotelka uu deganaa Madaxweynaha Somaliland.

Kulankaasi dhexmaray Muuse iyo Cirro waxa uu khatar weyn ku yahay wada dhaqayntii u dhaxaysay labada Xisbi Mucaarid ee Ucid iyo Waddani. Waxaanu muujinayaa in aanay jirin Mabaadii rasmiya oo ay labadaasi Xisbi ku wadasocdaan, wada shaqayntooduna ay tahay uun isku danaysi ama Awrku kacsi, in mid kastaa ka kale ku dangaadho.

 

Kulankaasi wuxuu aad uga cadhaysiin doonaa Gudoomiye Faysal Cali Xuseen maadaama oo uu weydaartay Gudoomiye Cirro oo si gaara u la kulnay Madaxweyne Muuse Biixi.

Kulankan Siyaasadeed ee ka qabsoomay Itoobiya waxa uu u eeg yahay mid jiho cusub u yeelay siyaasadii Somaliland kaasi oo ka dhigan in ay si hoose u Saaxiibeen isuguna soo dhawaadeen Gudoomiye Cirro iyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa aynu si weyn u dhawri doonaa sida ay u macneeyaan Masuiyiinta Xisbiga Waddani kulankaasi ay la yeesheen Madaxweyne Muuse ee dalka Dibadiisa ka qabsoomay, ma wuxuu noqon doonaa Saaxiibnimo horleh oo dhexmartay Waddani iyo Xukuumada? Waddani Xukuumada ma u gali doonaa booskii Ucid ugu jirijiray? Mise wuxuu noqondoonaa kulan iska caadiya oo casho ku eeg?

Isku soo wada duubo kulankaasi waa mid laga Shaanbadaystay Xisbiga Waddani iyo Gudoomiye Cirro, madaama wali taagan yihiin arimihii siyaasigaa ee laysku hayay.

 

Nuuradiin Ibraahim Awcabdi




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured