Maayarka Berbera: Xiddigii Horumarka Qarniga iyo Astaan Qaranka Somaliland Ku Faanno/Qalinkii Khaddar Ali Khum (Khaddar-Shiine).
Maayarka Berbera: Xiddigii Horumarka Qarniga iyo Astaan Qaranka Somaliland Ku Faanno/Qalinkii Khaddar Ali Khum (Khaddar-Shiine).
Goleyaashii Deegaanka ee dalka loo doortay sannadkii 2012-kii, ayaa badankoodu noqday kuwo ku fashilmay waajibaadkii loo doortay, lagu-na qasaaray. Iyagoo muddo sagaal sanno ah kuraasta ku fadhiya, ayey shacabkii soo doortay qoomamo iyo ciil la bariistaan waa kastoo barya.
Xildhibaanadda Golaha Deegaanka oo waajibaadka ay dadweynuhu u soo doortaan yahay inay wax u qabtaan, isla markaana horumariyaan magaalooyinka ay Xildhibaanadda ka yihiin. Bixiyaana adeegyadda sida weyn ugu baahan yihiin shacabka maalinta dhan qoraxda u taagnaa u codeyntoodii. Waxqab ay u qabtaan dadkaa masuuliyadda u dhiibtay daayo, waxay ka dhaxleen dhibaato aan la soo koobi Karin. Taasina waxay meesha ka saartay rajadii ay qabeen hooyooyinka Tamaandha qoraxda ku iibiya ee cashuurta ay bixiyaan baabuurta cad-cad lagu iibsaday lagu-na dulmaro maalin kasta siigaddana lagu kiciyo.
Gole Deegaan oo intooda badani ay fashilmeen, taariikhdana u gashay baal madow iyo dhabano hays ay shacabkii soo doortay mar kasta la murugoodaan, kadib markii ay rajadii ahayd in lagu reeyo oo ay magaalooyinka horumariyaan oo ay wax ka qabtaan ay meesha ka baxday lagana waayey afkana iska mariyeen cashuurtii dadka danyarta ahi bixiyaan. Adeeg ay bixiyaan iyo waddooyin ay sameeyaan hadalkooda daayoo. Waxay shacabkii waayeen cid ka gurtay Xashiishka buux dhaafiyey magaalooyinkii ay u soo doorteen 2012-kii.
Maayarka magaaladda Berbera Md Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), ayaa noqday maayarka kaliya ee gartay masuuliyadii loo soo doortay, isla markaana ku sifoobay una meeleeyey cashuurtii danyarta uu ka qaadayey. Isagoo noqday masuulka kaliya ee laga dheehan karo Berbera sida uu wax uga qabtay. Una mahadisay magaalo xeebeedka Berbera.
Mr Cidin, wuxu noqday Xiddigii horumarka iyo astaantii qaranka Somaliland ku faano. Isagoo Berbera ka dhigay magaaladda Somaliland dhan wakhtigan ugu quruxda badan, isagoo ka sameeyey waddooyin casriya, dhismayaal, goobo caafimaad, isla markaana si joogto ah looga guro qashinka. Isagoo haddana bilaabay barnaamij uu wakhtiga Xagaaga uu ugu talo-galay inay dadweynuhu ka cabaan, isagoo dhigay goobaha danta guud Talaago Qaboojiyaal.
Cidin kaalintiisii wuu ka soo baxay waana ku mahadsan yahay inuu astaana u noqdo dalkan, runtii wuu qalmaa Berbera iska daayoo inuu qaranka hogaamiyo oo dalkan Madaxweyne ka noqo. Shacabkaa wax doortee hadii uu isa soo sharaxo Madaxweyne waa hubaal in Somaliland oo dhan hal daba la u dooranayaan. Daacadnimo iyo xil kasnimo ummadaada ayey ku jeclaysiisaa. Berber-na uu dhashoo waanay mahadisay Cidin. Waxaanan odhan lahaa. Waa Maayarkii Maayaradda dalka waxaana qurux badan masuulkii mastaqbal doonayoow ku dayo Maayar Cabdishakuur. Runtii wuxu istaahilaa in la bogaadiyo isaga iyo inta Golaha Deegaanka Degmadda Berbera kula jirta.
Chief-In-Editor Khaddar Ali Khum (Khaddar-Shiine)
Mobile: 00252-63-4405090
Qumannews.net
Har/Office. Leave a comment |
|
Maayarka Berbera: Xiddigii Horumarka Qarniga iyo Astaan Qaranka Somaliland Ku Faanno/Qalinkii Khaddar Ali Khum (Khaddar-Shiine).
Maayarka Berbera: Xiddigii Horumarka Qarniga iyo Astaan Qaranka Somaliland Ku Faanno/Qalinkii Khaddar Ali Khum (Khaddar-Shiine).