Mid Kamida Ragii Dilay Caa'isha Ilyas Oo Xabsiga Laga Sii Daayay + Sababta Keentay...

0
Friday February 21, 2020 - 17:28:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Ragii Dilay Caa'isha Ilyas Oo Xabsiga Laga Sii Daayay + Sababta Keentay...

    Mid Kamida Ragii Dilay Caa'isha Ilyas Oo Xabsiga Laga Sii Daayay + Sababta Keentay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid Kamida Ragii Dilay Caa'isha Ilyas Oo Xabsiga Laga Sii Daayay + Sababta Keentay...

Boosaso(Xogreebnews)-Wararka naga soo gaarayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in la siidaayey Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, oo kamid ahaa saddexdii nin ee loo xukumay Kiiskii Caa’isha Ilyaas oo laba kamid ahaa la toogtay, kadib markii sida la sheegay uu Ilyaas Aadan oo ah aabbaha dhalay Caa’isha Ilyaas uu cafiyay xukumanahaan kuna bedeshay Mag.nb

Qoysaska labada dhinac ayaa waxaa ay ku heshiiyaan in mag ama Diyo la siiyo Qoyska Caaisho Ilyaas, sidaasina lagu siidaayey Cabdisalaan C/raxmaan Warsame, waxaana ka mid ah waxyaabaha lagu heshiiyey.

In la siiyo Aabe Ilyaas Aadan 75 neef oo geela oo Hashiiba lagu qiimeeyay lacag dhan $500 oo Dollar, waxaana isla goobta lagu bixiyay lacag dhan $25, 000 oo Dollar, taasi oo u dhiganta 50 Halaad,sida ay sheegeen dad ka qeyb galay heshiiskaas.

Sidoo kale waxaa la isku afgartay in muddo Saddex Bilood gudahood ah in qoyska Cabdi Salaan ay ku bixiyaan inta hartay oo ah 25 Halaad, taas oo markii lacag ahaan loo qiimeeyo ay noqoneyso $12,500 oo Dollar.

Ugu dambeyn heshiiska ay wada gaareen Qoyska Caaisho Ilyaas Aadan in Ninka ku xukunaa kiiskeeda ayaa waxaa ay u gudbiyeen isaga oo qoraal ah laamaha Garsoorka iyo Amniga Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured