"furida ururadu waxay noqon kartaa fursad wax lagu saxo".Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

0
Saturday February 22, 2020 - 23:03:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "furida ururadu waxay noqon kartaa fursad wax lagu saxo".Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    "furida ururadu waxay noqon kartaa fursad wax lagu saxo".Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"furida ururadu waxay noqon kartaa fursad wax lagu saxo".Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.
Hargeysa(Xogreebnews)-".Ka dib Markii aynu ka baydhnay ujeedooyinkii lagala Nidaamka Xisbiyada badan, waxa inoo soo baxay nidaam iyo Maxsuul qofnaba raali-gelin waayey, kii ugu sareeyey ila kii ugu hooseeyey, kii wax doortay ,iyo la.doortayba, qof kastaa wuxuu raadinayaa meeshii uu ugu tegi lahaa wado sax ah.
Haddaba furida ururadu waxay noqon kartaa fursad wax lagu saxo, waa haddii aynu waayo-arag ku nahay sida wax inooga qaldameen, haddiise aynu sideenii doonayno kuwo kale oo magaca uun ay ku kala duwan yihiin kuwii hore, waxay noqonaysa Maxaa daal la korodhsaday, sideedaba hore loo yidhi somalidu Cadaalada waxay u yaqaanaan nin waliba siduu rabo.Waxaan aad u arkaayey niman farobadan oo mid walba lasoo daawaday sidii uu wax lahaa iyo siduu wadada uga tuuray markii ay gacantiisa wax ku jireen, oo markii ay isagii soo gaadhay u qaadan waayey. Taas uma baahnin ee waxaynu u baahaanahay in kii codka bixinaayey dareemo codkiisu wuxuu geystay, kii loo codaynaayey dareemo khaladku maray, dhamaanteen aynu isasaxno oo xisbi dambe oo nin ama reer maalgelinaayo aynu ka digtoonaano. 
Anigu waxan qabaa xisbigii UDUB wuxuu ahaa xisbi qaran nidaamkii xisbi ku fadhiyey , waxay arrintu baydhay markii kulmiye UDUB loolanku dhexmaraayey ayaa ololihii loo bedelay Qaab qabili ah halkaas ayey sartu ka qudhuntay, wixii ka dambeeyeyna shaadhba may sidan.
Laba arrin ayuun bay inoo taagan tahay iminka 
1. Inaynu iska joojino xisbiyadaba oo qaab kale oo dadka fiican lagu dooran karo samaysano, waayo baarlamaan waxaa inoogu fiicnaa kuwii axdi qarameedka aynu ku dooranay.
Iyo inay ka run sheegno oo xisbiyo sax ah la soo baxno.
Wa bilaahi tawfiiq.
Kayd Cabdilahi Xandule.
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured